Cunsurigii Noqday Aabaha Cilmiga Caafimaadka Haweenka Oo Dumarka Madowga Ah Ku Sameyn Jiray Qalniino Bilaa Suuxdin Ah Iyo Tijaabooyin Arxan Darro Ah

33
3634

Washington (Geeska) – James Marion Sims oo isaga oo isaga oo 70 gu’ jiray geeriyooday sannadkii 1983 kii, waxa uu ahaa saynisyahan hormood ka ahaa cilmiga qalniinka, oo kaalinta uu ku lahaa qalniinnada dumarka iyo guud ahaan caafimaadkooda iyo qalabka caafimaadkooda kula baxay magaca, ‘Aabihii cilmiga caafimaadka haweenka’. Hawlaha ugu badan ee uu qabtay waxaa ka mid ahaa horumarinta xeeladaha qalniinka, waxa uu si gaar ah ugu suntanyahay heliddii iyo horumarintii caafimaadka nooc ka mid ah cudurka ‘Isu-furanka’ oo dhinaca kaadi-mareenka (Vesicovaginal Fistula) isu furanka kaadi haysta iyo makaanka.. Waxa kale oo uu kaalin ku lahaa hal-abuurka qalabka ka qaybqaata qalniinnada haweenka.

In kasta oo uu J. Marion Sim magacaas ku leeyahay cilmiga caafimaadka, haddana waxaa jira weji qarsoon oo aanay jeclayn in dadka jeceli ay sheegaan. Waa qalniinnada tijaabada ah ee uu sida aadamenimada ka baxsan ee cunsuriyadda ah ugu samayn jiray dumarka Maraykan madowga ahaa ee uu ka soo xulan jiray addoontii xilligaas Maraykanka lagu haystay.

Waxa uu cisbitaal ka furtay deegaanka magaalada Montgomery ee gobalka Alabama, gaar ahaan meel ku dhow beeraha cudbiga oo ay ka shaqayn jireen addoon aad u badan oo madow ahi. Rugtiisaa caafimaad ayaa uu kaga shaqayn jiray arrimaha taranka la xidhiidhka iyo caafimaadka addoonta, oo ay inta badan u dirsan jireen kuna dhaqaale siin jireen gumaystayaasha caddaanka ahaa ee beeraha lahaa. Waxa kale oo ay u ahayd rug uu ku sameeyo tijaabinta aragtihiisa caafimaad ee la xidhiidha dumarka. Ficillada arxan darrada ah ee uu ku kacay J. Marion Sims, waxaa ka mid ahaa:

  1. Qalniinno bilaa suuxdin ah

xilliyadaa uu J. Marion Sims calankiisu taagnaa waxa ay ku beegnayd qarnigii sagaal iyo tobnaad oo aanay inta badan ee dhakhaatiirtu aanay muhiimad badan siin jirin arrimaha la xidhiidha caafimaadka haweenka, oo markaas ahaa bulsho aad loo xaqiro. Iyada oo uu xaalkiisu la mid ahaa uun xaalkaas faciisa, ayaa uu maalin maalmaha ka mid ah, si kedis ah u qaabilay gabadh caddaan ahayd oo ka cabanaysay xanuun daran oo ka haya moxogga iyo wareeggiisa oo ah inta ay dumarka Soomaalidu macdanta u yaqaannaan. Bilowgii lama garan xaaladda gabadhan, waxa se beri dambe la ogaaday in uu hayey xanuunka aynu ka soo warannay ee ‘Isku-furanka ahi’.

Sannadkii 1845 ayaa uu James Marion bilaabay cilmibaadhiso muhiim ah oo uu ku eegayo xaaladdan iyo xalka cudurka ‘Isku-furanka’ laakiin ceebta uu la soo baxay waxa ay noqotay in uu maray jidkii takoorka madowga ahaa ee ka jiray Maraykanka, dhammaan tijaabooyinkii uu samaynayey waxa uu si badheedh ah ugu sameeyey dumarkii addoonta ahaa ee Maraykanka madow.

Falalka xanuunka badan ee tijaabooyinkiisaa lagu xasuusto waxaa ka mid ahaa, kii uu ku sameeyey saddex dumar ah oo lagu magacaabi jiray, Anarcha, Betsy iyo Lucy. Anarcha kelideed ayaa uu ku sameeyey 30 qalniin oo kala duwan. Lucy iyada waxa uu ka dhigay gabadhii ugu horreysay dunida caafimaadka ee u uku sameeyo tijaabooyin la xidhiidha Isku-furanka (Vesicovaginal Fistula). Qalniino aanu fursad ay ku nasato siinin oo tiro badan ayaa uu ku sameeyey Lucy, xilli aanu jirin nidaamak suuxdintu. Sidaa awgeed waxaa la sheegaa in muddada qalniinka iyo muddo dheer oo ka dambaysaba si joogto ah loo maqli jiray oohinteeda iyo taaha xanuunku uu baday.

Aragtidiisu waxa ay ahayd madowgu ma damqado

Muddadaas uu James Marion waday tijaabooyinkan waxaa marar badan soo baxay dad iyagu uu weli damiirkooda aadamenimo noolyahay oo kula taliyey in uu dumarkan ka daayo qalniinnada tirada badan iyo in uu isticmaalo noocyadii suuxdinta ee xilligaas la isticmaali jiray. Laakiin James oo maanta caalim weyn loo yaqaannaa, waxa uu caqligiisu siiyey in uu ku qanco aragti berigaas gumeystayaasha qaarkood iskula wareegi jireen oo ahayd in, ‘dadka madowga ahi aanay lahayn dareemo, sidaa awgeed aanay dareemin xanuunka nabarrada iyo dhibta ku dhacaysa.’

Inta la hubo dumarka uu James ku sameeyey qalniinnada bilaa suuxdinta ah, oo dhammaantood madow ahaa waxa ay tiradoodu gaadhay toban. Waxaa sii dheeraa, in muddadii uu weli waday cilmibaadhisaha uu guusha ka gaadhay ee la xidhiidha ycudurka ‘Isku-furan’ in uu sameeyey tijaabooyin tiro badan oo uu ku hubinayey hababka qalniinka lagu daweynayo ‘Isku-furanka’ intii aanu helin habkii ugu dambeeyey ee saxda noqday, tijaabooyinka qalniin ee u usameeyey waxaa u dhintay dumar madow ahaa oo uu ku sameeyey.

Waxaa yaab leh in James Marion Sims markii uu ku guulaystay tijaabooyinkan cilmi, ay safaf u soo galeen dumarkii caddaanka ahaa ee qabay xanuunka ‘Isku-furanka’ isaga oo mid kasta oo ka mid ah marka uu qalayo, ku samayn jirin suuxdin, ka ilaalisa in ay xanuunka dareento. Waxa taas ka sii yaab leh in muddadaas uu dumarka caddaanka ah ku daweynayey guusha uu ka gaadhay tijaabooyinka uu ku sameeyey dumarka madowga ah, in uu dhinaca kalana ka waday cilmibaadhiso kale oo uu doonayey in uu wax kaga ogaado xanuunka ‘Neonatal Tetanus’ oo ah nooc teetano uu ku dhaca carruurta aan u lahayn adkaysiga maadaama oo aanay hooyadu xilliga uurka iska tallaalin. Mar labaad waxa uu J. Marion Sims, tijaabadiisan ku sameeyey dumar madow ahaa.

Daloolinta (Gurista) lafta madaxa

Waa nooc ka mid ah qalniinada lagu sameeyo madaxa, oo ah in dalool wareeg ah laga sameeyo lafta madaxa, si gudaha hoose oo maskaxda ah loo baadho ama buro, cad iwm. Looga soo jaro.

James Marion Sims oo aan cunsurinimadiisa qarsan jirin, waxa uu aaminsanaa in dadka madowga ahi ay ka garaad hooseeyaan kuwa la midka ah ee midabkoodu caddaanka yahay. Marka la weydiiyo sababta uu sidaas ugu maleeyeyna waxa uu ku andacoon jiray, in laftooda madaxu ay aad u weyn tahay, laakiin maskaxda gudaha ugu jirtaa aad uga yar tahay inta dadka caadaanka ah. Jamse si uu dooddiisaa u rumeeyo waxa uu samayn jiray tijaabooyin arxandarro ah. addoonta madowga ah ayaa uu ku samayn jiray qalniin qasab ah, oo ah in madaxooda uu ka furo albaab / dalool uu ka eego gudaha hore si uu u qiyaaso inta ay maskaxdu le’eg tahay.

Waa ay sii socotay dhaqan xumadiisu, oo waxa uu James qasab ku qaadan jiray maydka carruurta madowga ah, si uu ugu sameeyo qalniinada uu ku tababaranayo ama tijaabooyinka ku samaynayo. Ama xitaa madaxooda furayo si uu maskaxdoodu in ay yartahay u arko, sida ay isaga la tahay.

Dhimashadiisii

Sannadkii 1880 kii ayaa uu cudurka Tayfoodhku (Typhoid fever) ku dhacay James Marion Smis, hal sano kaddibna waxaa haleelay cudur wadnaha kaga dhacay oo ay dhakhaatiirtii waqtigaasi sheegeen in uu yahay cudur aan la garanayn, loona marawaayey. Wadne xanuunkaas ayaanu u dhintay sannadkii 1877 kii.

Abaalmarintii dhagarqabaha

James Marion Sims waxa uu Maraykanku ku maamuusay abaalmarinno door ah. Sida oo kale sannadkii 1894 kii, waxaa fagaare ku yaalla magaalada New York looga dhisay taallo ah sawirkiisa oo xidhan shaadhka dhakhaatiirta, sannadkii 1920 kii ayaa magaalada New York looga dhisay taallo ah muuqaalkiisa oo shaadhka dhakhtarka xidhan. Sida oo kale waxaa xusas iyo taallooyin yaryar loogu dhex sameeyey qaar ka mid ah jaamacadaha caafimaadka lagu barto ee dalka Maraykanka. In kasta oo qaarkood dib looga tirtiray sababo dhinaca akhlaaqda la xidhiidha awgood.

Taalladaas J. Marion Sims oo dhowr jeer sababo maamul iyo qorshaynta magaalada la xidhiidha meelo kala duwan loo raray, ayaa sannadkii 2017 kii xuddun u noqotay dibadbaxyo waaweyn oo lagaga soo horjeeday addoonsigii dadka madowg, gaar ahaan dhaqdhaqaaq dibadbaxyo uu waday dhaqdhaqaaq laga soo horjeeday dhibtii dumarka ka soo gaadhay addoonsigii Maraykanka ka dhacay. Dad gadoodsan ayaana inta ay taallada koreen taalladan ku buuxiyey ereyga afka ingiriisiga ah ee ‘RACIST’ oo aynu ku macnayn karno ‘Takoore ama cunsuri’ sida oo kale indhaha ayaa ay midab cas oo dhiig ah u u mariyeen.

Badhtamihii bishii Afaraad ee 2018 ka, oo ku beegnayd dibadbaxyo kale oo lagaga soo horjeeday ficillada dhakhtarkan cunsuriga ahaa, ayaa kallifay in masuuliyiinta magaalada New York, ay taalladii James Marion Sims, ka raraan halkii ay ku taallay oo ahayd beerta dadweyne ee Central Park.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here