Cunista Badan Ee Khudraddu Waxa Ay Kor U Qaaddaa Fursadaha Uur Qaadista Hooyada

0
1167

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa lagu gaadhay natiijo sheegaysa in cunista badan ee khudraddu ay kor u qaaddo fursadaha uur qaadista ee dumarka. Baadhitaan lagu sameeyey dumar tiradoodu ka badan tahay 5 kun iyo 5 boqol oo u dhashay dalalka Ingiriiska, Ireland, Ustareeliya, iyo New Zealand, ayaa muujisay in dumarka cunista khudraddu ku yar tahay ay qiyaas boqolkiiba konton ah halis ugu jiraan in ay noqdaan ma dhalays.

Gabadha oo saddex jeer ama ka badan maalin kasta muddo bil ah cunta khudrad, waxa ay u dhowdahay in ay fursadda ugu horreysa ee bishaas dhammaadkeeda ama horraanta bisha xigta ah ku uur qaadaan.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in ay boqolkiiba 8 illaa 16 kor u kacday khatarta ma dhalaysnimo ee ay waajahayaan dumarka aan khudradda cunin ama aad ay u yar tahay khudradda ay cunaan.

Clare Roberts oo hormuud u ahayd cilmibaadhistan ay samaysay jaamacadda Adelaide ee dalka Ustareeliya ayaa mar ay arrintani sii faahfaahinaysay waxa ay sheegtay, in natiijadani ay muujinayso in nidaam cunto oo fiican oo ay ku jirto khudrad, iyo cuntada degdegga ah oo la iska ilaaliyaa ay wanaajiso awoodda bacarimineed ee gabadha, isla markaana yarayso waqtiga ay gabadhu ku uur qaadayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here