“Culimadu Iyagii Baa Is Haya Oo Doodaya, Bal Horta Iyagu Meel Wax Ha Isla Dhigeen, Inta Aanu Golaheenu Dhex Gelin,” Gud. Saleebaan

0
1191

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, waxaanu tilmaamay in khilaafkani uu muddo dheer taagna, oo Xukuumaddihii kala duwanaa ee taladda dalka iskaga dambeeyeyna in aanay waxba ka qaban, waxaanu xusay in Gole Guurti ahaana in aanay galaynin dhex-dhexaadinta Culimada, blasé ay iyaga isku dayn doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay Golaha ka hadlay ayaa isagoo arintan Culimada ka hadlaya yidhi “Culimadu way qaybsan tahay, Culimadu iyagii baa is haya oo doodaya, bal horta iyagu meel wax ha isla dhigeen, inta aanu Golaheenu dhex ka galin, waligeed arintaas Culimadu wey taagnayd, Cigaal baa ka cararay, Daahir Rayaale ayaa ka cararay, oo Siillaanyo ayaa ka aamusay, bal horta iyagu ha soo dhamaysteen ee aynu u dayno”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here