Culimada Dalka Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Madaxweynuhu Ku Samaynayo Guddiga Culimada

0
572

Picture1Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah Culimada dalka ayaa soo dhaweeyey khudbadii Madaxweynaha ee uu kaga hadlay Guddida Culimada ee Dastuuriga ah, si loo xoojiyo doorka Culimadu ku leeyihiin dalka, Dhalinyaradana looga dhaadhicin fikradaha xagjirka ah.

Culimadan oo Shalay goob joog ka ahaa khudbadii Madaxweynaha, ayaa ugu horeyn Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo isagu ka mid ah Culimada dalka, ayaa Madaxweynaha aad ugu amaanay arintan, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Khudbadii Madaxweynuhu meelo badan ayey taabanaysay, oo ay ka mid tahay Nabadgelyadu, in gees kasta la iska kaashado ayey ka hadlaysay, waana wax lagu farxo, waxaana aad iyo aad ugu faraxsan ahay aadna u soo dhaweeynaya Guddida Culimadda ee uu Madaxweynuhu sheegay in dalka laga sameeynayo, Guddidaas oo wax badan tari doonta, aadna loogu baahan yahay, waana arin aan Madaxweynaha ku amaanayno, madaama aanu nahay Culimadii dalka”.

Sheekh Xasan Cabdi Salaan,oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in aad loogu baahana Guddida Culimada, waxaanu yidhi “In Guddida Culimada la sameeyo waa arin inaga maqnaa oo laga maarmaan ahayd, aadna waa loogu baahna, waana soo dhaweeynaynaa”

Sheekh Maxamed Ibraahim Jaamac iyo Sheekh Axmed Sheekh Jibriil Guuleed ayaa iyana halkaas ka hadlay ayaa Madaxaweynaha ku bogaadiyey Gudidda Culimada ee dalka laga sameeyno doono,  ee uu ku dhawaaqay, waxayna tilmaameen in aad loogu baahnaa in Dalku yeesho Guddi Culimo.