Cudurka Xasuusta Dila Ee Alzheimer Oo La Ogaaday In Ilmaha Oo 8 Jir Ah La Sii Ogaan Karo In Uu Ku Soo Socdo

0
513

dddddLondon (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in ubadku iyaga oo ku jira da’da 8 jirka uu saamayn ku yeelan karo hidde-sidayaasha cudurka asaasaqa keena ee Alzheimer oo siyaabaha uu ku yimaaddo hidde-raacu ka mid yahay. Taas oo macnaheedu yahay in hadda kadib loo baahan yahay in ilmuhu isaga oo weli yar laga baadho in uu cudurkan qabo si loo sii ogaan karo in cudurkani uu tobannaan sano kadib ku dhici doono iyo in kale.

Cilmibaadhis cusub oo natiijadeeda uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mirror ayaa caddaysay in hidde-sidaha ka masuulka ah cudurkan oo lagu magacaabo APOE4 ay suurtogal tahay in uu raadeeyo ilmuhu inta aanu gaadhinba da’da Siddeed jirka, waxa aana suurtogal ah in uu hidde-sidahaasi saamayn ku yeesho maskaxda iyo xirfadda ilmaha ee dhinaca fikirka.

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Hawaii ee dalka Maraykanka oo tijaabo ahaan baadhitaano dhinaca hidde-sidayaasha ah iyo sawirro maskaxda ah ku samaysay 1’187 ah carruur da’doodu u dhexeyso 3 sano illaa 20 sano, isla markaana qiimaysay awoodda fikir iyo xirfadeed ee maskaxdooda, ayaa muujisay in hidde-sidayaasha cudurkan carruurta oo yar lagu sii arki karo, taasina ay caawinayso in iyada oo weli cudurka bilaabashadiisii tobannaan sano ka hadheen in la sii ogaado khatarta ilmaha ku soo fool leh, wixii laga qaban karana laga fikiro.

Cudurka Alzheimer’s oo malaayiin waayeel ah oo dunida daafaheeda ku nool sannad kasta ku dhacaa waa cudur xusuusta kaxeeya aakhirkana maskaxda dila oo aan illaa hadda dawo rasmi ah loo haynin.