Cudurka Sumowga Dhiigga Waxaa Sannad Kasta Qaada 30 Milyan Oo Qof, Ka Hortaggiisa Ugu Fiicanina Waa Fara Xalka

29
2823

Haya’dda caafimaadka adduunka ayaa warbixin ay soo saartay toddobaadkii ina dhaafay waxa ay ku sheegtay in cudurka ‘sumowga dhiigga’ oo afka ingiriisiga ‘Sepsis’ lagu yidhaahdo oo xidhiidh la leh daryeelka caafimaad ee qofku uu sannad kasta ku dhaco 30 milyan oo qof dunida oo dhan, waxa aanay shaacisay in ka hortagga cudurkani uu ka bilowdo nadaafadda labada gacmood.

Warbixin ay soo saartay hay’adda qaramada midoobey ee WHO oo hordhac u ahayd xuska maalinta qaramada midoobey u astaysay nadaafadda gacmaha oo sannad kasta la xuso shanta bisha shanaad si dadka loogu baraarujiyo muhiimadda ay nadaafadda gacmuhu u leedahay daryeelka caafimaadka.

WHO waxa ay sheegtay in cudurka Sumowga dhiigga ‘Sepsis’ uu keeni karo in unugyada muhiimka ah ee jidhku ay shaqada joojiyaan, haddii aan goor hore la ogaan lana daweyna uu keeni karo dhimasho.

Cudurkan oo sumowga dhiiggu waa dhiigga oo sun isu beddela ama caabuq ka tan bata yeesha kaddib mark aka buuxsanto bakteeriyo ka bilaabata caloosha oo sababta caabuq ku dhaca midhicirada. Bakteeriyadan ayaa marka ay dhiigga sun ka dhigto waxa ay sababaysaa, kelyaha iyo kaadi mareenka oo bukooda ama caabuq galo, caabuqa maskaxda, oo keena cudurka qoorgooyaha, beerka iyo xammaytida oo caabuqu gaadho, iyo xaalado tiro badan oo dhammaantood khatar ku ah nolosha aadamaha, marar badanna dhimasho keena.

Waxa ay khuabradu sheegeen in sida ugu habboon ee dhibaatadan baaxadda leh looga hortegi karaa ay tahay in qofku uu cuntooyinka ka hor iyo kaddib, iyo marka uu suuliga isticmaalo iyo mar kasta oo suurtagal ahba uu maydho gacmihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here