Cudurka HIV/AIDS Calaamadaha Bilowga Ah Ee Lagu Garto Qofka Uu Hayo Iyo Siyaabaha Looga Digtoonaan Karo

45
25914

Hargeysa (Geeska)- AIDS ka oo ka mid ah cudurrada dilaaga ah ee ay aadamuhu weli u maaro la’ yihiin ayaa ah cudur xogta dadku ka hayaan aad u yar tahay, marka laga tago cabsi guud oo uu qofku cudurkan ka qabo isaga oo laga yaabo in aanu xog ka haynin sida uu ugu dhici karo ama isaga ilaalin karo.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay barnamaijka caafimaadka ee shabakadda wararka Aljasiira waxa aynu ku eegaynaa waxa ay ku kala duwan yihiin HIV oo ay fayraska cudurka AIDS ka keena iyo cudurka AIDS laftiisa.

Dr. Xusaam Sacuub oo ah dhakhtar ka tirsan xarunta caafimaadka ee Xamad ee dalka Qatar ayaa isaga oo arrimahan faahfaahinaya waxa uu sheegay in qofka marka uu ku dhaco cudursidaha HIV ay muddo 7 illaa 10 sano ah ku qaadato in uu isu beddelo marxaladda AIDS oo ah marxaladda uu nolosha qofka khatarta gelinayo, “Haddii aynu si kale u dhigno HIV waa magaca cursidaha AIDS kuna waa marxaladda u dambaysa ee uu Fayraskani maro’

Digtoorku waxa uu sheegay in bilowga hore marka uu qofka ku dhaco HIV gu lagu arko calaamado wax sahlan u muuqda oo qofka aan dareen gelin, tusaale ahaan calaamado la mid ah kuwa Hargabka oo saddex toddobaad inta ay qofka ka muuqdaan haddana iska tirtirma, haddii aanu qofku xaaladdiisa si joogto ah u baadhinna waxa ay u badan tahay in sannadahaas badan kadib oo xaaladdu AIDS isu beddeshay uu qofku ogaado. Dhibaatada kale ee ay leedahay marxaladda uu cudurka HIV yahay ayaa ah in maadaama oo aanu isku ogeyn uu dad badan sii qaadsiin karo. Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in uu qofku ugu muddo marka uu joogaba mar iska shaybaadho cudurkan iyo guud ahaan cudurrada kale ee siyaabaha kala duwan uu qofku ku qaadi karo si ay taasi u caawiso in haddii cudurku jiro la ogaado goor hore oo wax laga qaban karo.

Waxa uu DR. Xusaam sheegay n siyaabaha lagu kala qaado cudurkan ay ugu muhiimsan tahay, xidhiidhka jinsiga ah, irbad keliya oo la wadaago, hooyada oo u gudbisa ilmaha ay uurka ku siddo iyo qalabka wasakhaysan ee makiinaduhu ka mid yihiin oo qof cudurkan qaba la’ la wadaago.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay labada hab ee ugu wanaagsan ee cudurkan la iskaga ilaalin karo, waxa aanay kala yihiin; qofka oo dhowrsoonaada, xidhiidhkiisa jinsina ku kooba xaaskiisa, iyo qofka oo ka dheeraada maandooriyaha la isku mudo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here