Ciyaaryahanka Sagna Oo Sheegay In Dhamaan Kooxdu Taageersantaha Tababare Weneger

0
1166

 

ciyaarLondon(Geeska) Kooxda Arsenal ayaa maraysay sanadkii 7aad ee ay la guryo noqota faro madhnaan. Xili ciyaareedkan ayaa ahaa kii ugu adkaa ee soo waajaha tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger.

Waxaana soo baxaya dhaleecayn badan oo loo soo jeediyey Tababaraha. Waxaanay ahayd bilowgii todobaadkan markii uu tababaruhu ka helay masuuliyiinta kooxda warsheegay in aanu ciyaareyahano ka soo iibsan Karin dalka Faransiiska. Warkan ayaa  muujinaya in masuuliyiintu ay hadda saluugeen natiijooyinka Tababaraha Faransiiska ah.

Dhinaca kale waxa ay amar ku siiyeen in uu kooxda ku soo daro ciyaaryahano khibaradoodu sarayso oo kooxda gaadhsiin kara guulo la taaban karo.

Isku soo wada duub oo armaradan iyo digniinanaha isdaba joog ah ee ka soo baxaya masuuliyiinta kooxda Arsenal ee ku waajahan tababare Wenger ayaa cabsi ku abuuray dhamaan taageerayaasha aadka u jecel Wenger iyo ciyaaryahanada ay isku dhow yihiin tababaraha oo ka dhawaajiyey inay taageeri doonaan Tababaraha. Ciyaaryahanada ka hadlay taageerayada ay u hayaan Arsene Wenger waxa ka mid ah difaaca kooxda ee u dhashay dalka Faransiiska ee Bacary Sagna oo mar uu saxaafada la hadlay sheegay in dhamaan ciyaaryahanada kooxdu ay ku qanacsan yihiin joogitaanka tababare Wenger, sidoo kalena waxa uu ciyaaryahanku ka dhawaajiyey inuu rajo weyn ka qabo in kabtanka kooxda ee Cesc Fabregas kooxda sii joogi doono xili ciyaareedka danbe waloow aad loola xidhiidhinayo kooxda ka dhisan dalka Spain ee Barcelona.

Ciyaaryahanka oo arintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “ Wenger aad baanu u taageersanahay, waxa uu Arsenal u qabtayna ma jiro tababare kooxdiisa u qabtay. Waxaan idiin cadeynayaa in qof kasta oo ka tirsan kooxdani uu 100% taageersan.

 

By Moh’ud Aw-Qaafta