Ciyaartoygii Ugu Safashada Badnaa Koobka Gobolada JSL: “Anaga Cagbaa Na Xukumi Jirtay Balse Namay Xukumi Jirin Yaad Tahay”

Published on Jul 27 2016 // Ciyaaro, Columnists, Warar

mawliid ceeroMawliid Ceero Oo Ka Sheekeeyey Xiisihii Koobka Gobolada JSL Baaqna U Diray Wasaarada Ciyaaraha Somaliland.

Mawliid Cismaan Ibraahim laguna naanayso (Mawliid Ceero), ayaa ah xidig in muddo ah ku jiray xirfada kubada cagta isagoo Noqonaya laacibkii ugu badnaa ee ka qayb gala koobka Gobolada Somaliland. Xidigan oo xirfadiisa kubada cagta ka fadhiistay sanadkii 2012-kii, ayaa ka qayb galay koobkii gobolada ee sanadihii 2002, 2003, 2004, 2007 iyo 2011-kii, Isagoo intaasba u saftay Gobolka Sanaag, sidaas oo ay tahayna waxa uu saftay 5 koob oo gobolada ah.  Mawliid Cismaan (Ceero) ayaa u soo ciyaaray kooxo badan oo ka tirsan caasimada Hargeysa iyo Goboladaba, waxaana kamid ahaa kooxaha uu usoo ciyaaray kooxda Hargeysa Spring Water, Apolo, Al-Imra, Iyo Waayo-arag, iyo Gobolka Sanaag.

Hadaba Mawliid Ceero oo Waraysi Gaara Siiyey Wargayska Geeska ayaa Nooga waramay waayihiisii ciyaareed iyo arimo badan oo xiiso badan  waxaanu si gaara u xusay qaabka ay ciyaar yahanadii hore uga duwanaayeen kuwa hadda ciyaara iyo guud ahaan xiisaha kubada cagtaba.

sanaag 234

Ceero oo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi “Hadaan kaaga waramo waxa aanu kaga duwanayn ciyaar yahanada maanta horta, anaga cagbaa na xukumaysay ama hadba xirfada laacibku leeyahay balse Namay xukumi jirin yaad tahay iyo qolo qolo, dhanka kale xaafad xaafad isku-maanu layn jirin ”

Dhanka Mawliid ayaanu wax ka waydiinay sida uu u arko Tartankii gobolada oo Hakad galay Muddo, ayaa ku tilmaamay arin ay masuul katahay Wasaaradii ku shaqada lahayd oo aad moodo inay Ka gaabisay Masuuliyadii ay lahayd.  Waxaanu yidhi “Wasaarada Ciyaaruhu waa inay Jihayso Dhalin-yarada Somaliland, Qabato tartanadii ay qaban jireen Maamuladii Hore ee Wasaaradu Xiliyadii 2000-kii Oo Duruufo dhaqaale iyo kuwo kaleba jireen”

Mawliid Ceero ayaanu sidoo kale wax ka waydiinay in Xulkii Sanaag ee wakhtiyadii 2002, ilaa 2004-kii uu Hoos u dhac ku yimid markaad u eegto tartamadii dambe, ayaa noo sheegay inay wax la qabaan Gobolada kale ee Somaliland, waxaanu meesha ka saaray inay jirto wax Khilaaf ah oo dhanka Xulashada Ciyaar-yahanada ah. Waxaanu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya “Arintaasi Ciyaar yahanada ayuunbay ku xidhan tahay, Waa ay jirtaa dhaliilo badan oo Goboladu kawada siman yihiin markaa kuwaas ayuunbay wax la qabaan, dhinaca xulashada imika ayaaba ilaa Ceel-Afwayn laga soo qaadaa Ciyaar yahanada oo dhinacaasi gobol ahaan Sanaag waxaan filayaa inay ka Caafimaad Qabto”

mawliid ceero

Dhanka kale Mawliid Ceero ayaa Nooga Waramay bal Cida Uu Ka Xusuusto Laacibiintii Gobolkiisii Sanaag kula guulaystay Koobkii Gobolada Somaliland sanadkii 2004-kii, iyo Halka ay kala Joogaan.

Ceero ayaana yidhi “mararka qaar ayaad wax hilmami kartaa markaa hadiiba ay dhacdo taasi ha ii dulqaataan bulshadu iyo cid aan ilaababa balse intaasi waa kow iyo laba” Liiska uu Ceero noo Xaqiijiyey oo ka kooban Ciyaar yahanadii Gobolka Sanaag ee  Qaaday Koobkii Gobolada Sanadkii 2004-kii ayaa u dhignaa Sidan;

Gool-hayeyaasha: Maxamed Axmed Xaashi (Mogadisho), Cumar Saalax (gooh hayihii labaad ee gobolka Sanaag)

Difaaca:, Axmed C/Laahi Joofane , Sharma-arke (Xoogsade), Maxamed dacar (Karaamo), Axmed C/laahi Gaashaanle Ceerigabo jooga, Khaddar Xasan Xoog Naasir Cali Siciid,  Cabdi Saleeban  Warsame  iyo Cali cartan xuseen oo ku sugan Ceeri gaabo.

Dhexda: Mubaraarak Axmed faarax, oo joogo burco, Maxamed ibraahim diiriye (Shiine) Oo jooga Ceeri Gaabo, Cumar C/laahi (Cago) oo ku sugan Ethopia, C/Shakuur Maxamuud Jaamac oo Ku sugan Wadanka Ingriiska iyo Alle Ha u Naxariistee Cabdi samad Hawre oo shil gaadhi ku dhintay

Weerarka: Siciid West, Cali Maxamed Cali oo labaduba ku sugan yihiin Ceeri-gaabo, Ismail yasin mire  Oo Jooga Australia, Mawliid Ceero (Hargeysa) iyo siciid yasin mire  (New Sealand)

Kala Soco Waraysiga Ciyaar yahan Mawliid Ceero Oo Dhamaystiran Jaraa’idka Ciyaaraha Geeska Ee Maalinta Isniinta.

snnag

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!