Bandhiga Xirfada Ciyaar yahanada Dalka: Mawliid Ceero Oo Ka Waramay Waayihiisii Xirfada Kubada Cagta

Published on Aug 01 2016 // Ciyaaro, Columnists, Warar

mawliid ceero “Waraysigii aanu la yeelanay xidigan oo Dhamaystiran”

Waxaanu todobaadkan waayihiisii ciyaareed ka waraysanay xidig aad uga caana magaalada Hargeysa iyo Guud ahaan gobolada JSL,kaas oo noogu marti ahaa Barmaamijka Bandhiga Ciyaar yahanada iyo Tabobarayaasha ee Maalinta  Isniinta Kasoo Baxa Jaraa’idka Ciyaaraha Geeska Afrika.  Mawliid Cismaan Ibraahim laguna naanayso (Mawliid Ceero), ayaa ah xidig in muddo ah ku jiray xirfada kubada cagta oo kasoo ciyaaray kooxo badan oo ay kamid ahaayeen, Hargeisa Spring Water, Apolo, Al-Imra, Waayo-arag iyo Xulka Gobolka Sanaag. Xidigan oo Noqonaya laacibkii ugu badnaa ee ka qayb gala koobka Gobolada Somaliland. Xidigan oo xirfadiisa kubada cagta ka fadhiistay sanadkii 2012-kii, ayaa ka qayb galay koobkii gobolada ee sanadihii 2002, 2003, 2004, 2007 iyo 2011-kii, Isagoo intaasba u saftay Gobolka Sanaa.

Hadaba sidaanu idinku balan qaadnay waraysiga xidigani Mawliid Ceero ayaanu idiin soo gudbin doonaa isagoo dhamays tirnan Jaraa’idka Ciyaaraha Geeska maanta oo isniina ayaa sidan u dhacay……

 

S: Ugu Horayn Waxaad Nooga Warantaa Taariikh Nololeedkaaga?

J:  waxaan ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1982-kii, isla Hargeysa ayaan ku barbaraay oo aan ka bilaabay dugsiga hoose dhexe ee Riis, halkaas oo aan Secondarigii ku dhamaystay Scoolka Faarax Oomaar.

S.   Waxaad Sawir Guud Naga Siisaa Xirfadaada Kubada Cagta? Halkeed Ka Bilawday Xirfadaada Kubada Cagta? 

J. Marxalado badan oo kala duwan ayey soo martay xirfadayda kubada cagtu, waxaan ka bilaabay kooxdii APOLO ee ka dhisnayd xaafada xero awr.

S. Maxaa La Odhan Karaa Way Kugu Dhalisay Inaad Noqoto Ciyaartoy? Ma Jirtaa Cid Kugu Dhiiri Galisay Inaad Noqoto Ciyaar Yahan?

J. anigu aadbaan u jeclaa kubada cagta, intaas ka dib waxa aad ii dhiiri galiyey tabobarahaygii Cali Cabdi Diini.

S.   Imisa Kooxood Ayaad Usoo Ciyaartay?  Wakhti Intee Leeg Ayaad Ku qaadatay Koox Kasta?

J. Apolo, Al-imra, Waayo-arag, Hargeysa Spring Water oo aan 8 Sanno ka ciyaaryey iyo sidoo kale Gobolka Sanaag.

S. Kooxdee Iyo Gobolkee Ayaad Ka Tirsan  Tahay Wakhti Xaadirkan? Mudo Intee Leeg Ayaad  U CIyaaraysay?

J. Hada waan ka fadhiistay sanadkii 2012-kii  

S. Booskee Ayaad Ka Ciyaartaa? Hadiiba Loo Baahdo Ma jiraa boos Kale oon Kaaga ahayn Oo aad Ka Ciyaari Karto?

J. Weerarka Dhinacyada (10-ka) boosaska kale  ee aan kasoo ciyaaray waxaa ka mid ah difaaca iyo dhexda gool haye ayaanan noqon uun.

S. Waa Kuma Difaaca Kuugu Halista Badnaa Laacibiinta Dalka? Sidoo Kale Gool hayahee Ayaa Ah ka aad Uga Cabsato Xiliyada Rikoodhayaasha (Penalties)?

J. Waxay ahaayeen difacyahankii waynaa ee  Mubaarak Tedhy oo u ciyaari jiray kooxdii Liibaan Construction  dhinaca gool wadayaasha waxa uu ahaa Cabdi Muuse oo u ciyaari jiray kooxdii FAACO company

S. Yaad ka xusi lahayd kooxdaadii mudada badn aad ka tirsanayd ee Hargeysa Spring Water?

J. waxaan ka xusuusan karaa xusein Axmed Xaashi, Max’ed Xasan Aadan (Nasta), Maxmuud Jaamac Saldado, mustafe c/raxman, C/risaq daahir khaliif, Axmed Jamac Khaliif, axmed jaamac saalax, sacad sheikh muuse, maxamed cabdi sheikh, cabdikarin cidhib, Qaadiro goohe iyo cabdiqani muse.

 

S. Ma jiraa Laacib/Xidig aad Si gaar ah u taageerto Ciyaaryahanada dalka ee hada ciyaara?

j. Haa waa uu jiraa waana laacibka C/kariin Guji oo aad xiradiisu u sarayso.

S. Ma jiraa Laacib/Xidig aad Si gaar ah u taageerto Ciyaaryahanada Dunnida?

J. Haa waa xidiga reer Barcelona  Iniesta

S. Yaad Si gaar ah  U Xusi Lahayd Tabobarayaashii Kusoo tabobaray Intii Aad Kubada Cagta ciyaaraysay?

J. waxaan si gaara u xusi lahaa, Cali Cabdi Diini (oo hada tafatiraha Saxan-saxo), Faysal Dheere, Axmed Khaldaan, Dhabo, Iyo Maxamed Gadaraawi

S. Heerkeed Jeceshahay Inaad Ka gaadho Kubada Cagta iyo Sports-ka?

J. waxaan jecel ahay inaan noqdo Wasiirka Ciyaaraha Jsl.

S.  Imisa Ciyaarood, Tartan oo Heer Caalami ah ayaad ka qayb gashay? Ma Jiraa Tartan/Koob ama Bilad Si Gaar ah Kuugu Qaaliya?

J. Tartamo badan oo gobolada ah, iyo kuwo wadamada jaarka ah sida Boosaaso, Garowe waan lasoo ciyaaray anoo dalxiis ku tagnay.

S. Imisa Koob iyo Biladood Ayaad Ku Guulaysatay Mudadii Aad Ciyaaraysay?

J. Koobab badan iyo bilado badan kow iyo laba ma odhan karo laakiin ilaa 18 koob, iyo koobkii gobolada JSL Ee 2004-kii oo aan la qaaday xulkii gobolka Sanaag. Dhanka kale bilado badan oo ay kamid ahaayeen gool dhalinta, iyo gool qurux badnaan.

S.Guulo badan iyo Guul-darooyinba Dabcan waad la kulantay Intaad Ciyaaraysay, Ma Sheegi Kartaa Wakhtigay Kuugu Farxada Badnayd iyo Sidoo Kale Wakhtigii ay Kuugu Murugada Badnayd?

J. waxay iigu farax badnayd markii aanu qaadnay koobkii gobolada SANAAG, 2004-KII waxayna iigu murug badnayd markii Burco naga qaaday isla koobkasi

S. Talo ahaan Maxaad Usoo Jeedin Lahayd Masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalin-yarada Somaliland?

J. Wasaarada ciyaaraha waxaan leeyahay ha samayso wax-qabad sidii maamuladii hore suurto galiya koobkii xiisaha badnaa ee gobolada. xidhiidhka cusubna waxaan leeyahay wareegyo qabta oo ay dhalinyaradu jeclaysanayaan

S. Maadaama oo aad ka fadhiisatay Mihnada Kubada Cagta, maxaad hada ka shaqaysaa?

J. hada waxaan ahay Ganacsade.

S.Tallo ahaan Maxaad Usoo jeedin Lahayd Dhalin yarta Jecel Kubada Cagta Ee Hiigsanaya INay Gaadhaan Heerka Aad Kagaadhay?

 

J. waxaan leeyahay iska daaya is faquuqa kusalaysan xaafad xaafada iyo qoloqolda, balse isku raaca is faham. Anaga ahaan yaad tahay lanama odhan jiray yaad tahay laakin muxuu qabtaa iyo xirfad ayaa lanoo kala qaadan jiray.

S. Ugu Dambayn yaad u mahad naqi lahayd?

J.  Ugu horayn ILAAhay ayaan u mahad naqayaa, mar labaad waalidiintayda, Familigayga, Asxaabtayda , Bahda Wargayska Geeska, iyo Dhamaan Laacibiintii iyo bahwaynta Sportska iyo Shacabka Somaliland.

 

Kala soco Waraysiyda Ciyaar yahanada Dalka Maalin kasta oo Isniin ah Jaraa’idka Ciyaaraha Geeska Afrika.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!