Ciyaartoygii Gobollka Maroodi-Jeex Yuusuf Tadhase Oo Wasaarada Ciyaaraha Ugu Baaqay In Ciyaaraha Gobollada Lagu Qabto Hargeysa, Dooga Macmalka Ahna La Dhigo Garoonka

0
887

Hargeysa: (Geeska)- Ciyaartoygii hore ee xulka kubada cagta Gobollka Maroodi-Jeex Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa ugu baaqay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha in tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland ee lagu wado inay sannadkan qabsoomaan in lagu qabto caasimada Hargeysa, oo aan lagu qaban Gobollada kale maadaama garoonka Hargeisa Stadium uu yahay mid weyn oo qaadi kara taageerayaal aad u fara baddan.

Yuusuf Nuux Tadhase ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasaarada ciyaaraha in tartankan garoonka la dhigo Dooga macmalka ah si ay u soo baxdo bilicda garoonka iyo kuwa ciyaartoyduba, waxaana uu xusay in Wadanka Soomaaliya oo intaasba dagaalo ka socdeen in maanta la dhigay doogaas “Waad ogtihiin Muqdisho oo intaas Dagaalo ka dhacayeenba waa la dhigay Doogaas Macmalka ah maxaa markaas inaga hor-joogsan kara inaynu Hargeisa Stadium aynu dhigno inagoo awoodna taas” ayuu yidhi Yuusuf Tadhase.

Sidoo kale waxa uu saadaaliyay in Gobollada Togdheer iyo Hawd ay kulanka ugu dambeeya ee Finalka ay iskugu soo bixi doonaan Ciyaaraha Gobollada, isagoo hoosta ka xariiqay in sannadkan Gobollka Maroodi-Jeex laga awood badnaan doono “Shakhsiyan waxaan Rajaynayaa in kulanka Finalka ee tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland ay iskugu soo bixi doonaan Gobollada Togdheer iyo Hawd” ayuu yidhi Tadhase. Ugu dambayntii waxa uu sheegay inuu aad u soo dhawaynayo xidhiidhada kala duwan ee dhawaan Wasaaradu samaysay isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay masuuliyiinta hogaaminaya xidhiidhada “Waxaan aad u soo dhawaynayaa aadna ugu kalsoonahay maamulka cusub ee Olambikada Qaranka ee uu hogaaminayo Xasan Waraabe Cade iyo maamulka cusub xidhiidhka kubada cagta ee Cabdilaahi Gacal hogaaminayo, waa rag aan ku kalsoonahay .inay arintaas ka soo baxayaan oo ay wax baddan ka qaban doonaan heerka uu ciyaaraha dalku maanta marayo” ayuu hadalkiisi ku soo koobay Yuusuf Nuux Tadhase.