Cisbitaalkii Ceerigaabo Oo Xidhmay Iyo Odayaasha Magaalada Oo Ku Sababeeyay Hay’ad Qoyska Madaxtooyadu Leeyahay

0
938

Hargeysa(Geeska)-Bulshada reer Ceerigaabo ee gobalka Sanaag ayaa banaanka soo dhigtay in cisbitaalkii caasimadda gobalka Sanaag uu u xidhmay musuq-maasuq iyo maamulo xumo ay ku eedeeyeen hay’ad lagu magacaabo Shifaat oo ay sheegeen in qoyska madaxtooyadu leeyahay.

Odayaasha, dhallinyarada iyo aqoonyahanka Ceerigaabo oo u waramay telefishanka Eryal Tv, ayaa sheegay in Shifaat ay sanduuqa SDF ka qaadatay 500,000 (Shan boqol oo kun oo dollar) oo ay sheegtay inay ku horumarinayso cisbitaalkaas,  balse uu madaxa u sareeya Shifaat Mr. Muuse oo uu madaxweyne Siilaanyo soddog u yahay aanay balantii ka soo bixin. Mid ka mid ah odayaasha ayaa yidhi “Waxaan idiin sheegaynaa incisbitaalka guud ee Ceerigaabo uu ku suganayahay marxaladii ugu xumayd iyadoo ay istaageen  adeegyadii caafimaad ee cisbitaaku bixin jiray.” ayuu yidhi odaygan oo intaas raaciyay in Shifaat masuul ka tahay dhibaatadaas.

Mid ka mid ah aqoonyahanka Ceerigaabo ayaa isaguna yidhi “Cisbitaalka waxa gacanta ku qabatay Shifaat oo siday noo sheegtay ka socota madaxtooyada oo xidhiidh la leh, waxay noogu soo dhuunteen madaxtooyada ayaanu ka tirsanahay oo wax walba waanu keenaynaa, sida daawooyin, miyiga oo aanu cisbitaalo ka dhisi doono, waxaas ayay nagu yidhaahdeen, maalgelintana  caalamka ayaanu uga doonaynaa, annaguna waanu soo dhawaynay oo waxaanu nidhi wadda hawshaas, nimankaas ninka la yidhaahdo Muuse [Wiilka uu madaxweynuhu soddoga u yahay] ayaa ka oday ah, Muuse hawshiisii kamuu soobixin waxaanu noqday nin lacag doonaya oo af mishaar ah oo dhuumanaya, si cad ayaanu cisbitaalka ugu dhiibnay, wuxuu keenay mashruuc SDF la yidhaahdo laba milyan ayaa lagu  bixinayaa cisbitaalka Ceerigaabo, labadii milyan shifaat 500 ayaa la siiyay, iyadii ayaaba dilaal noqotay shifaat oo waxay doonaysay inay dilaasho oo meesha boobto.”

Mid ka mid ah dhallinyarada Ceerigaabo ayaa isna  yidhi  “Magaaladan Ceerigaabo Cisbitaakisii weynaa ee Ceerigaabo wuu xidhanyahay, wuxuuna u xidhanyahay farsamo xumo kaga timid xukuumadda, waa Cisbitaal u baahan in la furo. Waxaan idiin sheegayaa dadkiinan baahan in xaqiinii la boobay ood dulmantihiin.”

Nin kale oo dhallinyaro ah ayaa isna wuxuu farriin baaq ah u diray wasaaradda caafimaadka iyo xukuumadda oo uu ka codsaday inay dabo-gal ku sameeyaan hay’adda Shifaat.