Cisbitaalka The Wesley Hospital Ee Australia Oo Xalay Ku Dhawaaqay Inuu Guulaystay Qaliinkii Ayaan Cismaan

0
601

Picture5Hargeysa(Geeska)-Cisbitaalka The Wesley Hospital ee wadanka Australia, ayaa xalay ku dhawaaqay inuu guulaystay qaliinkii lagu sameeyay Ayaan Cismaan Maxamed, oo ah muwaadinad reer Somaliland oo ay cisbitaalkaas iyo marwo Edna Aden iska kaashadeen sidii loogu heli lahaa qaliin casri ah.

Warsaxaafadeed uu cisbitaalku xalay soo saaray waxay ku sheegeen inuu qaliinka Ayaan lagaga sameeyay wejigu qaatay wakhti ku siman 12 saacadood (7:30 subaxnimo ilaa 6:30 fiidnimo ee xalay.), waxaanay sheegeen inay hawsha qaliinka Ayaan ku hawlanaayeen 20 dhakhtar oo isugu jira suuxiyayaal, kuwa qaliinka sameeya iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo dhammaantood wakhtigooda u huray sidii ay Ayaan ugu guulaysan lahayd qaliinkaas. Dhakhtaarta waxa horkacayay Dr. John Arvier oo ku takhsusay qaliinada wejiga iyo Dr. David Chin oo dib u kabista xubnaha ku takhasusay, waxaanay cadeeyeen in qaliinku guulaystay.  “Qaliinkii si wanaagsan ayuu u dhacay, waxaanan u mahadcelinaynaa taageerada dad badan iyo farriimaha taageerada ah ee aanu ka helaynay dad tiro badan oo jooga Australia iyo Somaliland, oo Ayaan u soo duceeyay.” Sidaas waxa yidhi Dr. Arvier iyo Dr. Chin, oo ah labada dhakhtar ee hawsha ugu culus ee qaliinka fuliyay.

Cisbitaalku, wuxuu sheegay inay rajaynayaan in Ayaan ay cisbitaalka ku sii jiri doonto ilaa toddobaad, si loola socdo xaaladeeda, iyadoo wakhtigaas ka dibna cisbitaalka mar mar soo booqan doonta si loo hubiyo xaaladeeda.

Ayaan Cismaan, waa muwaadinad u dhalatay wadanka Somaliland, waxaana ku qaraxday miino, wakhtigii dalka dib loogu soo noqday, waxaanu dhaawac culusi soo gaadhay wejigooda oo qayb ka mid ahi ay daloosho. Ayaan xaaladeeda dalka iyo qaaradda Afrikaba waxba waa lagaga qaban kari waayay, waxaanay marwo Edna Aden aakhirkii ku guulaysatay inay qaliin bilaash oo casri ah uga hesho cisbitaalkan.