Cirro Oo Xilal U Magacaabay Saddex Masuul

0
945

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna musharaxa xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa saddex masuul oo xisbigaas ka tirsan u magacaabay xilal kala duwan.

Waxa uu musharax Cabdiraxmaan Cirro ugu horayntii Maxamed Muxumed Allabari u magacaabay in uu ka mid noqdo xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI. Sida oo kale Jamaal Xuseen Hurre wuxu u magacaabay Xoghayaha Gaashaandhigga Xisbiga WADDANI, halka uu Xasan Muuse Khaliif  u magacaabay Xoghayaha Teknoolajiyadda iyo Sayniska ee Xisbiga WADDANI.

Waxaa  guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro saddexdan masuul ugu duceeyay xilalka uu u magacaabay, waxaanu ku booriyay inay xooga saaraan iyaga oo adeegsanaaya khibradooda in ay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay wax badan oo la taaban karo ay ku soo kordhiyaan.