Cirro Oo Walaac Ka Muujiyay Doorasho Xor Ah Oo Qabsoonta Inta Xukuumadu Xadhig Iyo Cago-juglayn Ku Hayso Siyaasiyiinta Mucaaradka

0
602

Dubai(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa daboolka ka qaaday inay adagtahay in doorasho la galo inta ugaadhsiga lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo qaarkoodna la xidho, qaarna la weeraro.

Cirro, oo khudbad ka jeediyay munaasibad soo dhawayn ah oo loogu sameeyay dalka Imaaraadka Carabta, wuxuu sheegay inay xisbi ahaan aaminsanyihiin inay ka horeeyaan xisbiyada kale, marka la saadaalinayo natiijada doorashada madaxtooyada, wuxuuse soo jeediyay in doorashadu noqoto mid xor iyo xalaal ah. Cirro waxa kale oo uu sheegay inay isku milmeen garsoorkii iyo xeer ilaalintu, isagoo ku soo hal qabsanaya rafcaan ay toddobaadkii hore xeer ilaalintu ka qaadatay xukun sii dayn ah oo ay maxkamadda Hargeysa ku fasaxday guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee Waddani Maxamed-sidiiq Dhamme. Cirro isagoo ka hadlaya dhallinyarada xisbigiisa ee xidhan iyo rafcaankii ay xeer ilaalintu ka qaadatay xukunkii maxkamadda, wuxuu yidhi  "Waxa layaabka leh waxa weeyaan sida ay madaxda xisbigu cadeeyeen xeer ilaalinta iyo maxkamadu way isku milmeen, go'aankii maxkamada xeer ilaalintu way sii ogayd markay ku dhawaaqday waxa la yidhi waraaq shaanbadaysan ayay u dhiibeen oo ay leeyihiin halanoo  hayo rafcaan ayaanu ka qaadanay go'aanka maxkamada, warqada goormay qoreen, goormay shaanbadeeyeen, yaa u sheegay go'aanka, taasi waxay meelkadhac ku tahay madax banaanida garsoorka, in xeer ilaalintu ay warqad la soo baxday markii go'aanka lagu dhawaaqay waxa ay cadaynaysaa inay go'aanka sii ogaayeen, waxa meesha ka cad in aan danbi lagu haysan ee arrimo siyaasadeed loo haysto, Madaxweynaha ayaanu kala hadalnay,xukuumada ayaanu kala hadalnay, waxaanu mar labaad ugu baaqaynaa in xoriyadoodii loo soo celiyo.” ayuu yidhi, wuxuuse intaas raaciyay “Ma  dhici karto in doorasho sidaas lagu galo iyada oo madaxda qaarkood la leeyahay burburiya qaarna la xidhaayo, doorasho laguma gali karo, xisbiga Waddani waa uu isku kalsoon yahay, waxa uu doonayaa in doorashada wakhtigeedii la qabto, waxaanu doonaynaa in barnaamij aanu ku tartano, waxaanu doonaynaa inaan dadka la hadalno oo quluubtooda hanano."

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiis sii wataa waxa uu yidhi"idinku xaq ayaad u leedihiin inaad xisbiga aad doontaan aad doorataan laakiin waxaynu u baahanahay inaan doorasho dimuqraadi ah qabano taas ayay Somaliland ku meelmaraysaa umana diyaar nihin in madmadow uu soo galo doorashadeena laakiin waxaanu diyaar u nahay in aynu tartano xisbiyada kalena waxaanu ugu baaqaynaa aynu tartano, waxaanu rumaysanahay inaan tartanka kaga horeyno asxaabta, baryahan waxaad maqlayseen waxii Waddani sameeyo in asxaabta qaar ay daba socdaan laakiin waxaan leeyahay daba socoshadaasi way iska dhamaanaysaa oo rag dheereeya ayaa nagu jira, waxaanu shacabiga iyo komishankaba ka codsanaynaa in diiwaangalintu ay si wacan u dhamaato oo kaadhadhka si fiican loo qaybiyo iyada oo sharciga la raacayo, muwaadinkii ay u suurto gasho inuu kaadhka qaato xaq buu u leeyahay inuu codeeyo kii ay u suurto gali waydo doorashooyinka danbe ayuu codayn doonaa sideed boqol iyo todobaatan kun oo qof ayaa is diiwaangaliyay komishanka ayaynu u ka sugaynaa cida ay u suurto gashay iyada oo abaartuna saamayn badan inagu lahayd,waxaanu ku kalsoonahay in tiro kasta oo soo baxda aanu guul ka gaadhi doono."