Cirro Oo Shan Kun Oo Dollar Ugu Deeqay Dugsiga Dayib-Gurey

0
972

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa subaxnimadii hore ee shalay wuxuu socdaal kedis ah ku tagay dugsiga sare ee Mujaahid Dayib-gurey ee magaalada Hargeysa.

Murashax Cirro oo ay weheliyeen masuuliyiiin ka tirsan xisbiga Waddani, waxa dugsiga ku soo dhaweeyay Maamulaha dugsigaas Guuleed Goohe Iidaan iyo ardayda dugsigaas sare wax ka barata. Murashax Cirro ayaa wuxuu dugsigaas ku wareejiyay lacag dhan $ 5000 (Shan kun oo dollar) oo ahayd balan qaad uu hore ugu sameeyay iskuulkaas si wax loogu qabto dhismaha dugsigaas oo la qabyo tiraayay.

Murashax Cirro waxa kale oo uu balan qaaday in haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada uu ka qayb qaadan doono dugsigan loogu magac daray Mujaahid Dayib-gurey.
Maamulaha dugsigaas Guuleed Goohe Iidaan oo isna halkaas ayaa murashax Cirro uga mahadceliyay taageerada uu dugsiga la garab istaagay, waxaanu ka codsaday inuu dugsiga soo booqdo haddii uu noqdo madaxweynaha dambe ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Murashax Cirro ku ammaanay inuu fuliyay balan qaad uu ardayda u sameeyay, isagoo farriin u diray murashixiinta KULMIYE iyo UCID oo uu sheegay inaanay weli fulin balan qaad ay dugsigan u sameeyeen.

Qaar ka mid ah ardayda oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa murashax Cirro iyo xisbiga Waddani uga mahadceliyay taageerada dhaqaale ee uu u fidiyay dugsigooda waxbarasho.

Xildhibaan Nacnac, Dr. Maxamed Warsame Ducaale iyo Milgo Sambalooshe oo ka mid ah hoggaanka xisbigaas, ayaa iyaguna halkaas ka jeediyay hadalo ay murashax Cirro ugaga mahadceliyeen taageeradaas dhaqaale.