Cirro Oo Ka Hadlay Sababta Uu Uga Baaqday Weftiga Madaxweynaha, Farriina U Diray Madaxda Soomaaliya

33
2958

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro, ayaa ka hadlay sababta uu uga baaqday codsi uu madaxweyne Muuse ka codsaday in martiqaadka Imaaraadka uu u raaco.

Sida oo kale waxa uu markii ugu horaysay tan iyo intii xiisada siyaasadeed ee dekeda la xidhiidha ka qaraxday geeska Afrika uu ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha arrimahaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo u waramaayay Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV  waxa uu ugu horayntii ka hadlay sababata uu uga cudurdaartay codsiga madaxweyne Biixi”Madaxweynuhu waxa uu u yeedhay labada xisbi, waxaanu ka codsaday inay u raacaan safarkiisaas oo sida uu sheegay lagu marti qaaday si deg deg ah, dalka Imaaraadka, madaxweynuu waxa uu ka codsaday labada xisbiba inay raacaan, haa yeeshee anigu waan ka cudur daartay laba sababood awgood, ta hore waxa weeye kulamadii hore ee ka dhacay Imaaraadka qayb kamaan ahayn xisbiguna kama uu ahayn, sababta labaadna waxa ay ahayd wakhtiga uu ii sheegayay madaxweynuhu oo saacado yari ay u dhaxeeyeen oo aanay ii suurto galin inaan xisbigaygii la tashado.”

Gudoomiye Ciro oo u jawaabyay Somaliya waxa uu yidhi”xisbigu mowqif cad ayuu ka taagan yahay, qaranimada Somaliland iyo midnimada shacabkeeda iyo mid ahaanshaha dhulkeeda intaba,si buuxda ayuu u taageersan yahay, waxaanu taageersan yahay awooda uu dastuurku siiyay xukuumada inay heshiis gali karto,ama wadan kale la gali karto ama shirkadaba, waxa kale oo aanu sheegaynaa qolada Somaliya in Somaliland ay tahay qaran madax banaan oo qaranimadiisana qaatay 1960-kii, 26 June oo qaran buuxa ahaa hasa yeeshee qaranimadiisii u sadqeeyay midnimada Somaliya iyo in la helo shan Soomaaliyeed, Somaliland cidina qori caaradii kumay gayn Xamar maantana suurto gal maaha inay cidi qasab ku gayso, ama khasab ay Somaliya kaga dhigto.Xukuumadu heshiisyada ay gasho iyo talaabooyinka ay qaado xisbi mucaarad ah ayaanu nahay rayi ka duwan ayaanu ka qabi karnaa, Somaliya ayaa ka hadashay macnaheedu ma xalaalaynaayo wixii madmadow ah ee ay xukuumadu leedahay, mawqifka uu xisbigu iska taagay waa uu cadeeyay in dadka loo soo bandhigo si daahfuran heshiisyada ay gashay xukuumadu.”

Waxa uu dhaliilay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani hesiiyada Imaaraadka ay la galeen xukuumadii kala danbeeyay ee xisbiga Kulmiye”Heshiisyadii ay gashay xukuumadu ee uu ka mid ahaa saldhigu, barigii hore waxa la yidhi Siilaanyo ayaa saxeexay, hadana waxa la leeyahay Muuse ayaa saxeexaya, imisa jeer ayaa la saxeexayaa bahalka, waxaanu qabnaa guud ahaanba saldhig loogama baahna Somaliland, biyihii uu Imaaraadku balan qaaday ayuu shacbigu u baahan yahay, waxaanu qabnaa in saldhigyadaasi ay keeni karaan in dawlado kale oo gobalka ahi ay colaadi ina dhex marto, oo Somaliland ay noqoto meel lagu tartamo oo dawlado shisheeye ay ku tartamaan, mawqifkii xisbigu uu ka qaatay ayuu ka taagan yahay labada arimoodba, heshiiska dekeda iyo heshiiska saldhigaba”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here