“Cirro Ma Gayo In Qori Afka Laga Galiyo, Ma Gayo In Loo Diido Inuu Booqdo Dadka Xidhxidhan”

0
15

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani xildhibaan Cabqaadir Ismaacil Jirde, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay habdhaqanka xukuumada iyo ciidanku ay ku qaabilaan musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu Cabdiqaadir Jirde ku dhaliilay xukuumada inay samaynayso dhaqanadii xumaa ee wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen lagu sameeyay, waxaana uu arimahan kaga hadlay xarunta golaha wakiilada Somaliland, isagoo yidhi  "Waa uu soo maray xisbiga Kulmiye mucaarad, anaga oo asxaabta kale ah oo xisbul xaakimkii ah ayaanu ka dhiidhiyi jirnay qaladka lagula kaco, waxa jirtay mar xafiiskooda laga baadhayay idaacad, ragii ugu horeeyay ee xafiiskooda ugu tagay ee la saftay ee diiday in lagu xadgudbo ayaan ka mid ahaa, maalintii xuska SNM maalintii la aas aasay ay u dabaaldagayeen ee ay xafiiskooda booliska la soo hordhoobay, ragii yidhi xaq looguma laha ayaan ahay ee ka dhiidhiyay, markii xabada lagu ridayna waxaanu ahayn ragii diiday in aan Axmed Maxamed Siilaanyo aanu gayin in rasaas laga dulrido, saddexda musharaxba maanta waxay inoo yihiin madaxweyneyaal kayd ah, mid soo bixi doonana Alle ayaa og, waxa uu leeyahay xurmada uu madaxweynaha qabsanayaa uu leeyahay, Cabdiraxmaan ma gayo in qori afka laga galiyo, ma gayo in loo diido inuu booqdo dadka xidhxidhan, waayo waa madaxweynii mustaqbalka, saddexda musharaxba waxay ka dhigan yihiin sadex madaxweyne oo kayd ah oo mustaqbalka ah, markaas tii ay soo mareen ee aanu uga dhiidhinay inay iyagii maanta ku kacaan waa u ayaandaro, waxaanu ka codsanaynaa in madaxda asxaabta xurmadooda la siiyo, in sadexda musharax milgo isku mid ah la siiyo, milgaha waxay mudan yihiin kaas madaxweynaha oo kale in milgahooda la dhawro,sumcadooda la dhawro oo la tixgaliyo lana ixtiraamo, in sadexda xisbi ay waxii caqabado ah ee doorashada ku soo kordha ay talo ka dhiibtaan oo ay ka wada tashadaan, Somaliland sidaas ayay ku dhismaysaa, dadku maanta waa uu nugulyahay, sicir barar iyo abaar ayaa isugu darsamay, dadka wax yar ayaa damqaaya ee waxaanu codsanaynaa in loo tudho, asxaabta qarankana loo ogolaado hawshooda."