Cirro iyo Muuse: Shalay Waxay Xumada Doorashada Darteed Iska Daba Mareen Booqashada Boobe Iyo Hambalyaynta Djibouti

0
555

Hargeysa(Geeska)-Iyadoo ay doorashadii madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku beegantahay bisha March ee kal dambe, haddana bulshada Somaliland waxay dareemaysaa baratanka siyaasadeed iyo ololaha doorashada ee xisbiyada KULMIYE iyo Waddani oo si aan toos ahayn u bilaabmay.

1

Muuse Biixi oo ka socda KULMIYE iyo Cabdiraxmaan-cirro oo ka socda Waddani, waa labada nin ee uu tartanka ugu adagi dhex mari doono kal dambe, waxaana la saadaalinayaa in doorashadaasi noqon doonto tii ugu adkayd uguna xamaasada badnayd, marka dhinacyo badan laga eego.

Baratankooda, waxa tusaale loogu soo qaadan karaa  shalay oo u dambaysay. Waxa mar laga wada war helay labada oday Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Cirro oo dhambaalo isku mid ah oo hambalyo ah u diraya dawladda iyo dadka reer Djibouti oo shalay u dabaal degay sannad guurada 39aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xorriyadooda ka qaateen dalka Faransiiska.

Haddana, shalay waxa ay Cirro iyo Muuse siyaabo kala duwan cisbitaalka Hargeysa ugu booqdeen Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Labadan siyaasi, mid waliba wuxuu sitaa laba xil oo isku lamaan. Cabdiraxmaan-Cirro wuxuu huwanyahay guddoomiyaha golaha wakiilada iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani, halka Muusena sito guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo Murashaxa madaxweyne ee KULMIYE.

Dhambaalka Cirro

Dhambaalka uu Cirro u diray dawladda iyo dadka reer Djibouti, wuxuu u qornaa sidan “Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa dawladda iyo shacabka dalka jamhuuriyadda Jabbuuti isaga oo ugu hambalyeynaaya sannad guurada 37 aad ee ka soo wareegtay maalintii xornimada ee ay ka qaateen guumeystahii Faransiiska  27kii, Juun, 1960kii.

Md.Cabdiraxmaan

M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu boggaadinayaa horumarka ballaadhan ee ay dawladda iyo shacabka reer Jabbuuti ku tallaabsadeen muddadii ay xorta ahaayeen, isaga oo tilmaamay in horumaro badan ay ka sameeyeen dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo ammaanka ba, waxaana uu tibaaxay in Somaliland iyo dawladda Jabuuti uu ka dhaxeeyo xidhiidh  qoto dheer oo walaaltinimo isla mar ahaantaana ay mar walba diyaar u yihiin siddii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada amaanka , ganacsiga iyo xidhiidho diblomaasiyaddeed oo si hufan oo nabad iyo wada noolaashiyo ah u dhex mara labada dhinac.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu u rajeynayaa dawladda iyo shacabka reer Jabbuuti in ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, horumar iyo xasilooni.”

Dhambaalka Muuse

Hambalyada uu guddoomiye Muuse Biixi isna u diray Djibouti, wuxuu ku yidhi sidan “Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hay’adaha xisbiga ee kala duwan waxa uu ku  hambalyeynayaa Madaxweynaha, dawladda iyo shacabka dalka Jabuuti 39 guurada ka soo wareegtay maalinta xornimadooda ay qaateen Faransiiska 27 June 1977.

Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadinayaa dawladda iyo shacabka reer Jabuuti guusha ballaadhan ee dhanka horumarka ay ka gaadheen muddada ka soo wareegay intii ay xorta ahaayeen. Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in guud ahaan ummadda Somaliland oo iyaguna ku guda jira xuska sannad-guurada 56 aad ee ka soo wareegtay  maalinta xornimadooda 26-kii June 1960 ay sidoo kale la wadaagayaan 

walaalahooda Jabuuti farxadda xornimada, maadaama labada dawladood iyo shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo walaalnimo.

Ugu dambayntii,

Guddoomiyuhu waxa uu u rajeynyaa dawladda iyo ummadda reer Jabuuti inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul iyo barwaaqo.

Booqashadii Mujaahid Boobe

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo muddooyinkan dambe xaalad caafimaad u jiifa cisbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa isna wuxuu ka mid noqday meelaha ay ku baratameen labadan siyaasi. Guddoomiye Muuse Biixi oo ay weheliyaan laba wasiir, ayaa shalay booqasho ugu tagay Mujaahid Boobe, iyagoo Alle uga baryay inuu caafimaad taam ah siiyo.

Guddoomiye Cirro, oo dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa markii uu madaarka Cigaal ee Hargeysa ka soo degay wuxuu toos u booqday Mujaahid Boobe, oo uu isna dhinaciisa Alle uga baryay inuu caafimaadkiisa u soo celiyo.

Gunaanad

Marka laga tago labadan mawduuc ee warka noqday ee shalay ay sameeyeen Cirro iyo Muuse, waxa muuqata in tartankoodu bilaabmay iyadoo aanay doorashadaba dhawayn, waxaanu tartankoodu saamayn ku yeelanayaa bulshada dhexdeeda oo iyaga laftooda ay goobaha lagu kalmo iyo baraha bulshadaba ku dhex marayaan doodo siyaasadeed oo uu midba midka kale ku taageerayo.