Cirbixiyeen Sawirro Dayaxgacmeed Oo Uu Hawada Sare Ka Soo Qaaday Ka Arkay Mucjisada Magaalada Barakaysan Ee Makah

0
1137

Moosko (Geeska)- Cirbixiyeen u dhashay dalka Ruushka ayaa sheegay in marka hawada sare loo baxo dayaxgacmeedka looga soo arki karo magaalada Barakaysan ee Makah si aad u muuqata oo aan lagu qaldi karin magaalooyinka kale ee adduunka.

Cirbixiyeenkan oo aad ula dhacsan muuqaalkan aanu filayn ee magaalada barakaysan ee Makaha ayaa barta uu ku leeyahay barkulanka bulshada ee Facebook waxa uu ku faafiyey sawirrada magaalada barakaysan muujinaya ee uu ka qaaday sawirgacmeedka dushiisa. Waxa aanu ku dul qoray ereyo muujinaya in uu aad uga helay magaaladan oo ah goobta ugu barakada badan guud ahaan dunida muslimka.

Cirbixiyeenkan oo lagu magacaabo Sergeey Riyasaniski waxa uu sheegay in muuqaalkan shakigu gelayn ee magaaladan lagu arkayo marka dayaxgacmeedku hawada sare ku jiro in uu yahay muuqaal aan habeen iyo maalin kala duwanayn oo si isku mid ah loo arkayo.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka uu wargeyska Annahaar ee ka soo baxa dalka Masar ku leeyahay internet ka ayaa intaas ku daray in ciribixiyeen Sergeey Riyasaniski uu yahay caalim ku xeeldheer sayniska noolaha oo ka qalinjebiyey jaamacadda dawladda ee Moosko, isla markaana uu yahay caalimkii ugu horreeyey taariikhda Ruushka ee takhasusu saynis ah leh ee hoggaamiya kooxo loo diro hawada sare. Waxa anau raacay dayaxgacmeed lagu magacaabo Sooyus oo 29kii Bishii Lixaad ee sannadkan laga diray saldhigga Baikonur oo Ruushku uu ku leeyahay dalka Kasakhistaan.