Cilmibaadhe 60 Sano Ka Hor Saadaaliyey Raadka Weyn Ee Uu Internet Ku Maanta Ku Leeyahay Nolosha Bulshada

0
47

Washington (Geeska)- Dhaqaale badani kuma baxo, xakamayn badanina kama dhex jirto, oo qofku xorriyad baa uu ku dhex dareemaa. Waana labada sababood ee keenay in Internet ku uu jebiyey xuduudihii dalalka dunida kala teedayey oo dhan, si fududna u gaadho bulsho kasta oo dunida ku dhaqan.

Waxaa la yidhaahdaa qofka casrigan maanta ah nooli, waxaa dhici karta in aanu la xidhiidhin dadka qofka ugu dhow ama xitaa in aanu garanayn magaca qofka deriskiisa ah, laakiin saaxiibkiisa ugu dhow ee ay joogto isaga warhayaan una xidhiidhaan uu yahay qof ku nool qaarad kale oo kummaan kiiloomitir u jirta.

Arrintaas waxaa sidaas aynu u dhignay u fahmay Marshall McLuhan oo ah cilmibaadhe u dhashay dalka Kanada oo ku xeeldheeraa Isgaadhsiinta, kaas oo muddo hadda laga joogo in ka badan nus qarni oo xitaa hal-abuuristii internet ka 30 sano ka horreysay, ka hadlay saamaynta uu nolosha ku yeelan doono. Waqtigaas arrintani waxa ay dadkii joogay ula muuqatay aragti macnadarro ah. Waxa uu sheegay in ay abuurmi doonto shabakad isgaadhsiineed isticmaalkeedu fudud yahay oo dunida oo dhan tuule yar iskaga dhigta.

Waxyaabaha Marshal McLuhan lagu xasuusto waxaa ka mid ahaa in uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee isticmaala ereyga (Global Village) isaga oo sheegaya in internet ku uu yahay tiknoolajiyad suurtagelin doonta dhiirrigelinta is dhexgalka iyo xidhiidhka dadka isticmaalaya.

Cilmibaadhahan reer Kanada waxa uu aaminsanaa in Isgaadhsiinta Elektarooniga ahi ay caawinayso in dunidu isku soo dhowaato, oo war-is-gaadhsiin ahaan iyo masaafad ahaanba ay intii hore isaga soo dhowaan doonto. Taas oo macnaheedu yahay in dhulka aadka u kala fogi aanu dhibaato noqon doonin, marka la eego waqtiga yar ee labada qof ee darafyo kala joogaa ku xidhiidhi karaan, ama ku heli karaan gaadiid casri ah oo uu midkood kan kale ku gaadho.

McLuhan waxa uu aaminsanaa in habka ay dadku ku helaan xogta iyo wararku uu noqon doono mid ka muhiimsan xitaa xogta uu sido laftigeeda, isaga oo ka digay in internet ku uu yeelan doono awood uu isagu innagu jiheeyo fahamka aynu arrimaah qaar ka qaadanayno.

McLuhan oo geeriyooday sannadkii 1980 kii, waxa uu ahaa Faylasuuf, aragtiyihiisu ay bud-dhig u noqdeen aragtiyaha cilmibaadhista warbaahinta. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa halkudheggiisa ka mid noqday aragtiyaha cilmiga warbaahinta ee, ‘The Medium is the Message’ oo ah in farriin-sidaha / dhambaal-waduhu uu isagu farriinta runta ah yahay, loogana jeedo in farriinta la sido ama la gudbinayaa sida ay u ekaanayso ee dadku u arkayaan una fahmayaan ay ku xidhan tahay hadba sida cidda siddaa ay u dhigto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here