Ciidankii Marwada: Guusha 20 Jir Dhistay Oo Hoggaamisay 70 Kun Oo Askari Si Ay Aabaheed Boqor Uga Dhigto

0
570

Beijing (Geeska)- 617 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS), waxaa dhulka Shiinaha ka dhacay isbeddel gun iyo baar ah oo meesha ka saaray boqortooyadii muddada dheer talinaysay.

Waxa ay ahayd markii dadka Shiinaha iyo qaybo ka mid ah hoggaamiyeyaashii ciidamada ee dalku ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay dawladda ku diiddan yihiin, oo gaadhsiisnaa heer ay qorsheeyeen in ay cudud milateri xukunka kaga tuuraan Imaraadoorkii xilligaas dalka hoggaaminayey, iyaga oo ku eedaynaya in uu shaqadii u taallay iyo dawladnimadii kaga mashquulay dhismaha deyrka aadka u weyn ee taariikhiga ah ee illaa maanta jira oo ah deyrka lagu magacaabo ‘Deyrka Shiinaha ee weyn’ maaliyaddii iyo imkaaniyaadkii dawladda ee uu Imbaraadoorku u duway dhismaha deyrkan oo aanay dadku markaas xiise u qabin, waxa uu ku daray in uu cududdii shaqaale ee Shiinahana qasab kaga dhigo in ay waqti badan geliyaan dhismaha deyrka.

Gabadha aynu qisadan kooban kaga warramayno oo magaceedu ahaa Pingyang waxaa dhalay mid ka mid ah taliyeyaashii ciidamada Shiinaha ee sida adag u diiddanaa siyaasadaha Imbaraadoorku uu dalka ku maamulayo. Boqorka oo ogaaday mucaaradnimada taliyahan ayaana amar ku soo saaray in la dilo. Intii aan la dilin ayaa uu ka war helay oo waxa uu la goostay tiro ciidan ah, intii iyo in kale oo maleeshiyo uu soo ururiyey ah ayaanu keynta la galay si uu uga jabhadeeyo oo uu ka shaqeeyo in Imbaraadoorka xukunka laga tuuro.

Pingyang oo uu dhalay taliyaha fallaagoobay, waxa ay markaas da’deedu ahayd 20 sano, laakiin da’ yaraanteeda uma ay arkin caqabad ka hor istaagta in ay aabaheed garab siiso, markii ay xog fiican ka heshay waxa dhacaya iyo xaaladda aabaheed, waxa ay saygeeda ka codsatay in uu ka caawiyo sidii ay aabaheed u garab istaagi lahayd, waana uu ka aqbalay.

Pingyang waxa ay safar qarsoodi ah ku tagtay tuulaha uu asal ahaan qoyskoodu ka soo jeeday, waxa aanay halkaas ka bilowday halgan ay aabaheeda naftiisa la baxsaday kaga dhigtay Imbaraadoorka dalka Shiinaha.

Pingyang waxa ay iibisay wixii qoysku hanti lahaa, sida guryihii, dahabkii iwm. Kadib waxa ay ku iibisay, seefo, warmo, gaashaanno iyo dhammaan noocyadii hub ee xilligaas ciidan isticmaali jiray, waxa kale oo ay ku guulaysatay in ay isu keento ciidan tiro yar ku bilowday laakiin ay gaadhsiisay 70 kun oo askari, oo ay tababareen xeeldheerayaal ay iyadu u keentay. Isla iyada oo tababarradan ka qayb qaadanaysay ayaana hoggaamisay ciidankan baaxadda leh, waana sababta ciidankii loogu bixiyey, ‘Ciidankii Marwada’

Ciidamadii awoodda lahaa iyo cududdii milateri ee ay dhistay Pingyang halgan muddo qaatay kadib waxa ay ku guulaysteen in ay jebiyaan ciidamadii ilaalada Imbaraadooriyadda, xukunkana ay ka tuuraan Imbaraadoorkii raalligelinta xiisaha naftiisa kaga mashquulay shaqadii umadda uu u hayey. Waxa aana xukunkii Shiinaha lagu wareejiyey oo Imbaraadoorka cusub noqday Pingyang aabaheed. Illaa maantana magagaca Pingyang waxa uu ku jiraa taariikhda Shiinaha oo waxaa lagu tilmaamaa ‘Inantii Imbaraadooriyadda muddada dheer jirtay ridday’ sida oo kalana waxa ay sabab u noqotay in aabaheed Gouzu oo Imbaraadoor ahaa 8 sano uu dhiso boqortooyo xukunka sii haysay muddo 289 sano oo dambe.