“Ciidanka Somaliland Xaq Ayuu U Leeyahay Inuu Xadka Soo Taabto”

20
2249

Hargeysa (Geeska)-Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Duulista, Arrimaha Bulshada iyo Duulista Hawada, ayaa sheegay inay Somaliland xaq u leedahay inay xadkeeda sugto, isla markaana gaadho, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi uu ku taageeray dalabka la sheegay inuu ka diiday Beesha Caalamka, ee ah inay Somaliland dib u laabato.

Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare), o u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaana ugu horeyn yidhi “Ciidanku xaq buu u leeyahay inuu xadka soo taabto, in xadka la sugana waa waajib, inagu cidna kama gardarnin, cidna ma daan-daansanayno, dulmina ma wadno, laakiin inaynu xadkeena gaadhno, waa mid inagu waajib ah, Ciidankeena Somaliland xad gudub may sameeyn ee waajibkooda ayey qabsadeen, meel xadkeena ka baxsana may tagin, Ciidanka Somaliland cidna may qabsan, cidna kumay duulin, Xadkeenu Garoowe ha u dhawaado, ee cid af ka sheegtana dooni mayno, laakiin Ciidanka, Dawladda iyo umaddaba waajib bay ku tahay in xadka la gaadho”.
Mar uu ka hadlaayey taladda uu Madaxweynuhu ku diiday Beesha Caalamka ayaa yidhi “Anigubana maan ogolaadeen in la yidhaahdo dhulkiina ka taga, oo xadkiina dib uga noqda, haddii ay Beesha Caalamku ay leeyihiin colaad baa ka dhalanaysa, waxaan leeyaay meel la isku haysto ma jirto, ee xadkayga ayuun baanu sugaynaa, dhul lagu muransan yahayna ma jiro, ee Somaliland iyo Somaliya ayaanu kala nahay xadkuna uu cad yahay, Madaxweynaha Somaliland inuu ka diido Beesha Caalamka aragtida ay wataan waan ku taageersan nahay, ka noqda xadkiinana wax ina qabta maaha, xadkani wuxuu u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, haba yaraate xad lagu muransan yahayna maaha, Somaliya ayaa mar dambe is kala qaybisay, oo Maamul Goboleedo la kala baxday, meeshana xad baa jira, oo laba dal oo isku tagay baynu ahayn, waana kala noqonay, anagu in Somaliland xadkeeda inay sugto ayaa ka go’an, haba u dhawaado Garoowe,cidna ku duuli mayso, cidii ku soo duushana weynu iska celin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here