Ciidanka Sirdoonka Oo Loo Qaybiyay Darajadii Ciidanka

0
666

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada kala duwan ee sirdoonka Somaliland ayaa loo qaybiyay darajadii ciidanimo oo ay hore uga hadheen markii loo qaybiyay ciidamada kale ee Somaliland.

In ka badan 300 oo askari oo ka tirsan hay’adaas ayaa loo qaybiyay toddobaadkan darajada ciidanka, waxaana sarkaalka u sareeya la siiyay gaashaanle sare iyadoo askariga u hoseeyana la siiyay darajada kormeere.

Markii hore ee ciidamada loo qaybiyay darajooyinka ayaa laga reebay ciidamadan, waxase hadda la siiyay  ka dib markii uu u amray guddoomiyaha maxkamadda sare  Prof Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inuu fasiraad sharci ku sameeyo xeerkooda.

Sidoo kale in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka qaranka ayaa iyagana toddobaadkii hore loo sameeyay dalacsiin, iyadoo sidoo kale ciidamada waaxda socdaalkana la siiyay darajooyin.