Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Khasaare Culus Gaadhsiiyay Maleeshiyaadka Puntland Oo Shalay Soo Weeraray Iyo Garowe Oo Dhawaaqa Rasaasta Laga Maqlay

24
3503

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada qaranka Somaliland ee jiidda gobalka Sool, gaar ahaan fadhiisinka Tukaraq ayaa iska difaacay weerar ay ku soo qaadeen maleeshiyaadka maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Puntland ayaa shalay subaxnimadii hore iyagoo doonayay inay ka faa’iidaystaan dabaal-degga maalinta xuska qaranimada Somaliland oo ay ciidamadu marayeen, waxa ay weerar ku soo qaadeen ciidanka qaranka. Laakiin ciidanka ayaa iska difaacay weerarkaas, waxaanay dib ugu celiyeen maleeshiyaadka Puntland jiiddii ay ka soo duuleen. Dagaalka oo ahaa wakhtiyo kala duwan oo ay Puntland weeraro soo qaadeen ayaa socday saacado badan.

Warar madaxbanaan oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Ciidanka qaranka Somaliland ay Puntland gacanta kaga dhigay 7 ah baabuurta dagaalka iyo hal kaare, waxa kale oo ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad badan oo ay ka yaaceen. Sidoo kale waxay ciidanka qaranku gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo aan tiradooda la sheegin.

Somaliland waxa dagaalka lagaga qabsaday Hal beebee, lamana hayo baabuur dagaal iyo maxaabiis ay ka qabteen Somaliland. Ciidanka qaranka Somaliland waxa ka geeriyooday lix askari oo uu mid ahaa taliye guuto Marxuum Maxamed Daauud Nuur, dhaawaca ayaa sidoo kale 12 askari oo ka dhaawacmay ciidank qaranka Somaliland.

Wararka laga helayo magaalada Garowe, ayaa iyaguna sheegay in dhaawaca maleeshiyaadka Puntland uu marayo 35 askari, halka dhaawacu yahay 56 la geeyay cisbitaalka magaalada Garowe. Magaalada Garowe ayaa shalay laga maqlayay dayaanka rasaasta ay ciidamadu isweydaarsanayeen maadaama oo ay ciidanka qaranku dhaafeen deegaanka Tukaraq ee ay ku sugnaayeen markii hore, iyagoo dhinaca Garowe ee laamiga u baacsaday maleeshiyaadkaas.

Cisbitaalka ugu weyn magaalada Garowe ayay dadka shacabka ahi shalay ku urureen si ay uga dhex goobaan eheladooda askarta Puntland ah ee dhaawacooda la soo gaadhsiiyay.

Taliska ciidanka qaranka

Geesta kale taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka waramay dagaalkaas. “Isniintii oo ay bishu ahayd 14 waxa na soo weeraray ciidanka Puntland oo naga soo weeraray jiida hawdka, subaxdiina way na soo weerareen kowdii iyo waxii ka danbeeyayna waa ay na soo weerareen ilaa ay galabtii gaadhaysay, weerarkaas waa la celiyay, waxa ka dhintay intaanu ognahay saddex, waxa ka dhaawacmay shan, anaga weerarkaas shalay [doraad] waxba naguma gaadhin, saaka [shalay] subaxdii markay ilaa todobadii ahayd weerar balaadhan oo laba jiho ah oo dhankii hawdka iyo xaga Garoowe ama Godqaboobe ayaa ciidamo balaadhani naga soo weerareen dagaalkaasi muddo afar saacadood iyo badh ah ayuu socday dhimasho iyo dhaawacba waa ay jiraan dhan walba ha ahaatee, waanu ka saarnay Godqaboobe iyo aagii waanuna jabinay  labadii aagba waxaanuna ka qabsanay lix baabuur oo mid taangi yahay, maxaabiis badan waanu ka qabanay dhaawac badana waa la hayaa dhulkii ay jogeena anaga ayaa joogna, inkasta oo aanan jeclahayn dhimashada labada ciidan ka dhex dhacday haddana ciddii soo qaaday ayaa kaliftay maantana anaga ayaa guusha joogna, waanuna ka kaxaynay aagii ay joogeen, waxaynu leenahay ciid wanaagsan, ciidankeenu halkaasna salaantii ayuu ka maray halkana waa uu ka guulaystay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here