Ciidanka Qaranka Iyo Kooxda Gaashaanle Gamaal Oo La Sheegay Inay Ku Dagaalameen Buuraha Sanaag

55
4346

Hargeysa(Geeska)-Koox taabacsan Gaashaanle Gamaal Maxamed Baaxad ayaa ay ciidamada qaranka ku dagaalameen buuralayda gobalka Sanaag, wararka halkaas laga helaayo oo ah kuwo kooban ayaa sheegay in khasaare jiro.

Weriyayaal ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa Geeska Afrika u sheegay inay ciidamadu kooxdaas kala hadheen gaadhi Ambalaas ah oo dhawaan laga dhacay degmada Xiis, laakiin waxa la sheegay inaanay ciidanku ku guulaysan inay qabtaan Gaashaanle Gamaal.

Gaashaanle Gamaal ayaa hore ugu biiray kooxda Caare, laakiin dib ayuu uga soo noqday iyadoo ay warar soo baxay oo sheegayay inuu ku soo laabanayo ciidanka qaranka ay beenoobeen. Si rasmi ah looma garanayo in ciidanku qaranku shalay weerareen sarkaalkan hore iyo inuu isagu weerarka soo qaaday.

Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland oo uu Geeska Afrika xalay isku dayay inuu wax ka weydiiyo dhacdadan ayaanay noo suurtogelin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here