Ciidanka Booliska Oo U Dabaal-Degay Sannad Guurada 24aad

0
3764

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa u dabaaldagay sanadguuradii 24-tanaad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay ciidan ahaan, waxaana dabaal dagan kala qaybgalay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo marti sharaf tiro badan oo xilal qaranka u haya.

Taliska ciidanka booliska ayaa soo bandhigay waxyaabo aad u tiro badan oo u qabsoomay ciidanka booliska ee dalka oo ay ku tilmaameen kuwo lagu faani karo, waxaana ugu danbayntii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ciidanka xadhiga uga jaray dhisme casri ah oo xarun guud u noqon doona taliska ciidanka booliska ee dalka.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ugu horayntii halkaas ka akhriyay waxyaabhii ciidanka booliska u qabsoomay iyo maalintan balaadhan ee ay xusayaan waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Mudane madaxweyne waxa sharaf noo ah inaad nagala soo qaybgasho sanad guuradii ciidanka booliska Somaliland  oo la aasaasay 3 Nov 1993 mudadaas ciidanka boolisku waxa uu soo maraayay marxalado, taliyayaashii iga horeeyay mid waliba meel ayuu soo gaadhsiiyay waxa ay maanta maraynaa meel aad u fiican tayo ahaan iyo tiro ahaanba, mudane madaxweyne waxa aan aad iyo aad aan kaaga mahadcelinayaa taageerada hiil iyo hooba leh ciidanka booliska JSL, mudane madaxweyne intii xukuumada aad gadhwadeenka ka tahay dalka ay hogaaminaysay ciidanka boolisku, waxa uu ku talaabsaday horumar balaadhan haday tahay dhinaca tabobarada iyo dhinaca aqoonta guud, xirfadaha gaarka ah,qalabka, gaadiidka iyo dhismayaasha, tababarada ciidanka boolisku waa mid joogto ah waxaana iska kaashada qaranka Somaliland,taliska booliska, dawlada UK  oo gacanta ugu balaadhan ciidanka booliska ka siisa tabobarada, waxaana sanadkan tabobaro siminaaro ah oo la xidhiidha shaqada ciidanka booliska dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku soo qaatay saraakiil badan, mudane madaxweyne waxa ciidanka booliska ku soo biiray mudadii xukuumadaadu jirtay dhalinyaro ah mutacalimiin oo ah kuwii aad soo aragtay digrii iyo mastarba leh oo dhawr boqol oo inamo iyo gabdhoba leh, kuwaas oo ah kuwo aqoontoodu sarayso shaqadii booliskana wax weyn ka badalay”

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ciidanka booliska isaguna dhankiisa ku hanbalyeeyay sanadguuradooda 24-naad waxaanu ka hadlay waxyaabaha ay ciidamada u qabteen intuu uu xilka uu hayay oo darajooyinka ciidanku ay ka mid yihiin, waxaanu ugu danbayntii madaxweynuu uu xadhiga uga jaray ciidabka booliska taliska guud oo dhisme casri ah loo sameeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here