Ciidamadii Qaranka Ee Gaadhay Deegaanka Carmale Ee Gobalka Sanaag Oo Ka Hadlay Sababta Ay Dib Ugu Soo Noqdeen

0
948

Picture6Sanaag(Geeska)-Guutadada 22-tanaad ee ciidamada qaranka ayaa dib uga soo laabatay deegaanka Carmale oo 80Km bari ka xigta magaaladda Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, isla markaasna halkaas kaga timid guutada 116 oo iyadu hore u deganayd.

Guutadan 22 ayaa iyadu wareegta, isla markaasna hadba tagta deegaanada dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan, waxaanay hoggaanka ciidamada qaranka ee deegaankaas joogaa ay sheegeen inay difaaci doonaan dalka iyo dadkaba.

Hogaanka hawlgalinta ciidanka qaranka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo warbaahinta la hadlay markii ay soo guurayeen waxa uu yidhi “Halkan waxaanu ku joognay muddo shan maalmood ah, halkan waxaa deganaa guutooyin ka mid ah ciidamada qaranka ee wareega,waxaanu u nimi dhaqdhaqaaq aanu gardaro u fahanay oo xagga Puntland ka soo bilaabmay,amar ayaanu ku nimi, amar kale oo aanu ka helnay taliyaha ciidamada qaranka ayaanu dib ugu noqonay, waxaanu goobtan kaga tagnay ciidamadii hore u degnaa ee deegaanka. Fariinta aan halkan ka diraynaa waxa weeyaan ciidanka qaranku waxa uu awood u leeyahay inuu difaaco jamhuuriyada Somaliland iyo dadkeeda, waxaanu u abuuran yahay intaas,waxaanu tagi doonaa Ceeldoofaar,Yoocada iyo meelasta oo xadka Somaliland ah, cid kasta oo gardaro ku bilawda dalka iyo dadka, dhirbaaxo kulul oo lama ilaawaan ah ayuu ku dhufan doonaa.”

Abaan duulaha ciidanka qaranka saldhiga saddexaad ee gobalka Sanaag Saleebaan Maxamed Guuleed,  ayaa isaguna halkaas si kooban uga yidhi“Halkani waa xeradii deegaanka guutada 116-aad ee Carmale, halkana waxa ka guuray guutadii 22-tanaad oo dib ugu noqonaysa fadhisinkeedii hore oo kana anba baxaysa halkan oo ay hawlgal u yimaadeen.”

 

Maamul gobaleedka Puntland ayaa maalmihii ugu danbeeyay dhaqdhaqaaq ka waday gobalka Sanaag, halkaas oo ay markiiba gaadheen ciidamo tiro badan oo ah kuwa Somaliland ah.