Ciidamada Booliska Oo Qabtay Dadkii Gubi Jiray Basaska Hargeysa

0
850

Hargyesa(Geeska)-Afhayeenka ciidanka booliska Gaashanle Sare Faysal Xiis Cilmi ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen sagaal eedaysane oo qaarkood ay gacanta kula jireen gubista gaadiidka caasimada ee basaska oo muddooyinkii u dambeeyay magaalada Hargeysa lagu gubayay.

Afheeyeenka ciidamada boolisku waxa uu sheegay inay muddooyinkanba ay daba socdeen dad basas badan ku gubay gudaha magaalada Hargyesa, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo amniga dalka khatar ku ahaa, isla markaasna ay haatan maxkamad u gudbin doonaan.

Afhayeenka ciidanka booliska Gaashanle Sare Faysal Xiis Cilmi arintan ka hadlaayay waxa uu yidhi”Waxaad la socoteen baryahan danbe in baabuurta dadweynuhu ay raacaan la gubaayay falalkaasi waxay ahaayeen kuwo ugub ku ah JSL oo aan hore inoo soo marin taliska ciidanka boolisku waxa uu amar adag ku bixiyay in dadkii waxaas gubaayay si adag adag loo baadho, nasiib wanaag waxay ciidanka boolisku xalay ( habeen hore ) gacanta ku soo dhigeen oo qaar kood lagu hayo iyaga oo baabuurtii gubaaya, tusaale ahaana gaadhigii dhaynaha iyaga oo qalabkii ay ku gubayeen iyo bilikaygii gacanta kula jira ayay ciidanka boolisku ay soo qabteen, baadhista ka hordhici mayno, hasa yeeshee bulshada waxaanu u sheegayna ciddii falka noocaas ah lagu qabtay in ciqaab aad u culus la marin doono, kuwaas iyaga oo gacanta kula jira lagu qabtay iyo inta la xidhiidhaba, waayo waa dad duulimaad ku ah nabadgalaydii iyo ganacsigii iyo waxi oodhan.”