Ciidamada Badda Liibiya Oo Badbaadiyay Tahriibayaal Somali Ah

0
448

Ciidamada Badda Libya ayaa soo badbaadiyey Tahriibayaal Soomaali oo doonayay in ay galaan Qaaradda Yurub iyagoo ka ambabaxay xeebaha dalkaas.

Sarkaal lagu magacaabo Col. Ayuub Qaasim ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Xeebaha Libya ay badbaadiyeen 107 tahriibayaal Soomaali oo isku jiray Rag, dumar iyo Caruur.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayuu sheegay Sarkaalka in khamiistii lasoo dhaafay ay kasoo badbaadiyeen meel duleed ka ah Xeebaha magaalada caasimadda ee Tripoli isla markaana doonida ay saarnaayeen ku dhowayd in ay quusto amaba degto.

Qaar kamid ah Dadka lasoo badbaadiyey ayaa u sheegay Ciidanka Badda in ilaa todobo qof  ay Badda ku tuureen kadib markii ay doonta ku dhowaatay in ay degto culeys xad dhaaf dartiis.

Sanad weliba, Badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga waxaa naftooda ku biimeeya Kumanaan muhaajirin Soomaali iyo Afrikaan oo doonaya in ay nolol ka wanaagsan mida dalalkooda ka sameystaan Qaaradda Yurub, balse inta ay ku jiraan Safarkooda Badda kala kulmaan dhibaatooyin naxdin badan.