Ciidamada Ammaanka Oo Xabsiga Dhigay Fanaanka Farxaan Xidig

0
610

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xidhay fanaan magaciisa la yidhaahdo Farxaan Xidig oo u dhashay gobalka Awdal.

1

Fanaanka ayaa sida ay hay’adaha ammaanku sheegeen waxa la xidhay isagoo fal ka dhan ah qaranimada Somaliland faraha kula jira, waxaanay sheegeen in dhawaan la horgayn doono maxkamadda.

Fanaankan oo weynida ku bilaabay fanka isagoo qurbaha jooga, ayaa hore u sheegay inuu ku biiray siyaasadda dalka Somaliya, waxaanu laba bilood ka hor sheegay inuu isu sharaxayo inuu ka mid noqdo baarlamaanka cusub ee dalka Somaliya.

Mr. Xidig, ayaa dhawr goor magaalada Borama ku duubay muuqaalo uu ku dhaliilayo Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo laabta sudhay calanka dalkii Somaliya.

Fanaankan, ayay dadka aqoonta u lihi waxay sheegaan inuu nacaybka Somaliland bilaabay ka dib markii bandhig faneed uu Hargeysa ku qabtay ciddi u geli weyday, maadaama oo aanu lahayn heeso u gaar ah oo ay bulshadu xiisayso.

Geesta kale, warbaahinta gobalka Awdal, ayaa labadii caano maal ee u dambeeyay baahinaysay warar sheegaya in fanaaniin u dhalatay gobalka Awdal lagu cunsuriyadeeyay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya oo ay doonayeen inay habeenka ciidda ku qabtaan bandhig faneed. Fanaaniintan ayaa muddo ka hor kiraystay hoteelka ay ku qabanayaan bandhig faneedkooda, laakiin hoteelkii ay kiraysteen waxa kala wareegay fanaaniin reer Muqdisho oo  dawladda Somaliya kalsooni ka haysta kuwaas oo joojiyay bandhig faneedkii ay fanaaniinta reer Awdal qorshaysteen.