Ciid Mubaarak

0
639

Waxa mahad leh weynaha ina abuuray adduunka oo dhanna iska leh, waxaa naxariis iyo nabadgelyo mudan nebigeennii Suubanaa ee Muxamed NNKHA.

1

Intaa kadib, Wargeyska Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa sharafta badan iyo guud ahaanba bulshada caalamka u dirayaa salaam iyo hambalyo ku aaddan ciidda aynu maanta u dabbaal degeyno ee ciidal Fidri.

Waa maalin mudan in aynu Alle uga mahadnaqno badhaadhaha iyo khayrka uu inoogu beriyey waagan san iyo in aynu ka barino inuu ina waafajiyo khayrka iyo samaanta ku jira maalintan iyo maalmaha soo socdaba iyo in uu dhammaanteen ina huwiyo dembi dhaaf iyo naxariis aan la soo koobi karin.

Wargeyska Geeska Afrika isaga oo muslimiinta dunida oo dhan la wadaagaya farxadda maalintan barakaysan, waxa uu akhristayaashiisa, muwaadiniinta reer Somaliland iyo guud ahaan bulshada islaamka ah u hibaynayaa hambalyo ku aaddan farxadda maalinta ciidal Fidriga.

Wargeysku waxa uu Alle ka baryayaa in sidii aynu uga barannay uu inoogu wado nimcada oo ciido badan oo dambana uu innagu simo innaga oo ku nimcaysan amni iyo xasilooni, horumar iyo barwaaqo, cibaado san iyo muslimnimo dhab ah.

Waxa uu wargeysku Weynaha ka baryayaa in muslimiinta dunida oo dhan uu, kuwaaro negi uu negaanshiyo iyo barwaaqo u sii siyaadiyo kuwooda colaadaha, abaaraha ama masiibooyinka kale lagu imtixaamayna uu badhaadhe iyo nabad, horumar iyo barwaaqo ugu beddelo.

Waxa aanu mar kale idiinka hambalyeynaynaa farxadda ciiddal Fidriga waxa aanuna Alle idinka rajaynaynaa inuu ka dhigo ciid farxadeed, oo marar badan soo noqoto innaga oo intan ka sii horumarsan, badqabna, faraxsan, oo muslimnimada ku dheggen.

Wuxuu wargeysku, geesta kale ku wargelinayaa akhristayaashiisa inaanu soo bixi doonin cadadkii khamiista beri, sidaasna hawla socdaan akhristayaasha ku xidhan qormooyinka iyo qisaska wargeysku xambaarsanyahay.