Cid Ma Leh !

30
3719

Faadumo Buuni

Magacooda cidi ma taqaan cidna ma yaqaanaan. Hoy ma leh, mana haystaan meel ay u hoydaan ooy hurdo ka dayaan. Kulaylka Cadceeddu ma damaqdo mana diiriso. Halkay ugu dhacdo ayey haddana ugu soo baxdaa! Da’ ahaan Da’o badan bay iskugu jiraan. Ma yaqaanaan cidlada wayse ku caano maalaan. 
Inta badan lagama waayo deyrarka meheraddaha iyo Dooxyada magaalooyinka. Qaarkood duruuf iyo darxumaa u gaysay deggennaanshaha goobahaas qaarna dar kalaa la deggen adduunyo kale oo inoo muuqanna way joogaan, Aakhirana may tagin. Dushooda diif iyo darxumaa ka muuqata dockastaana way dalooshaa. Ma dareemaan Daalka se’ way daaf wareegaan. Huggooda dushooda saaran indhahaaga ku hayn kari maysid. Markaaba waxaad odhanaysaa, “Alla yaa ka saara?”
Cuntadoodu waa hambada hudheelada hadayba helaan, markaasaa sida xawaanka wax loogu tuuraa oo ay dhulka ka soo qaataan baqasho laga baqayo qaarkood. Naxariis kama Helaan Dadka qaarkood iyo niyad wanaagsan oo naruuro leh, kamana naawilaan  habo yaraatee, magacyo qalafsan oo qaydhin  baa loogu yeedhaa qaddarintooduba ha danbaysee,lama qasaarin lagamana quusan, se’ waa qoraal Eebbe. Qaarna iyagaa halkaa is dhigay oo is baylihiyey isna bahdillay, qaar kalana dantaa badday oo bartaa dhigtay.
Qaarkood  markay iskugu yimaadaan meelahay  Howga ka daydaan way is dillaan, waliba is tumaan, iskumana tudhaan dhafoor kastaana way is jabiyaan, hadbana kolba kii roon baa reerka u hadha. Way is dhaawacaan dhakhtarna mararka qaar ma helaan. Haddana nolosha ay ku jiraan way u dhabar adaygaan.
Markay dadku wada faraxsan yihiin iyaga waa u muruggadoodda, waayo dadku  lama wadaagaan iyaga Farxadda. Ma helaan dad ay la caweeyaan lana ciyaaraan oo  haddana  la sacabo tumtaan si ay naftooda uga bad-baadiyaan gaajo iyo haraad mararka qaarna horseeda dhimasho, waxay ku kacaan falal aan la fili karin marnaba maankaaga ku soo dhacayn wayse ku qasban yihiin sidaa. Waayo? Noloshoodaa ku xidhan kumase toosna. Waa la iska wayneeyaa. loomana haysto qaar cudurkan haya ee sidan u curyaamiyey laga carbiyeyn karo lagana caawin karo, waaba se’ lagu  caayaa! Looma haysto dad Maskax iyo maan leh  muruqna u dheer yahay. looma gargaaro. lamana garabasado.
Maxaa inoogu wacan sidan? Maxaynu galabsannay? Ma Waalidkeen iyo waayahaaa sidan inoo galay? Mise innagaa  aafo afaysan oo  faralagaqaada noqonnay oo la inoo taag hali waayay? Goormaynu halkan nimi? Maxaase ina keenay? Yaa ina dhalay? Waa ayo se’ ciddeennu?  Maxaa boggeena madhiyey? Hadana maxay busaaraddu inoogu dheer tahay? Oo haddana maxaa beerkeenna buuxiyey ee hawada beentee sumaysan ka buuxiyey? Maxaynu u baqannaa? Haddana  bahaladu innoo weeraraan oo Wadnuhu bugtaa innoo hayaa? 
Maxaa la inoo budeeyaa? Ee haddana la inoo bidhaansadaa? Maxaa la inoo dillaa haddana la inoo dulleeyaa?  Maxaynu wax u taransanwaynnay ee aynu hadana la tiiraayeysannahay? Maxaynu la tukubaynaa ee aynu haddana la taag darannahay? Maxaa wax la inoogu tari waayey? Haddana la inoo taakulayn waayey? Maxaynu dadka uga liidannaa haddana uga libidh sannahay? Maxaa la inoogu turxaami waayey haddana la inoo talo siin waayey? Maxaynu dadka ugu soocannahay ee gooni socodka inaga dhigay? Maxaynu qayrkeen u gaadhi waynay  ee haddana la qasaarnay?  Maxaynu se’ u quusannay? Maxaa  joog iyo jiif midna  inoo diidey ee sidan inoo jideeyey? Maxaa se’ sidan inoo galay haddana u silloonnahay?!
Waa waydiimaha ugu badan ee ay is waydiiyaan inta miyirka qabtaa waxna kala garanaysa, Cid se’ ma leh  uga war celisa waydiimahooda  oo u warranta!
Faadumo Buuni
libaaxo.77@gmail.com
Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here