Cibro: Qisadii Fircoon Iyo Khabiir Ku Muslimay

Published on Sep 23 2014 // Columnists, Warar

Picture12Sannadkii 1981-kii oo ahayd markii uu xilka madaxweynenimo ee dalka France qabsaday madaxweyne François Mitterrand, Waxa uu France aakhirkii Siddeetamaadkii ka codsaday dalka Masar in maydka Fircoon muddo la aammaanaysiiyo si ay khubarada dalka France baadhitaanno cilmi ah ugu sameeyaan. Fircoon oo ahaa Daaquutkii ugu weynaa ee dunida soo mara ayaa maydkiisa loo gudbiyey dalka France, markii diyaaradda sidday maydka Fircoon ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris, waxa salaan foorarsi ah ku soo dhoweeyey madaxweyne François Mitterrand, dhammaan xubnihii golihiisa wasiirrada iyo masuuliyiin waa weyn oo Faransiis ah. Sida rasmiga ah ee dalka Faransiiska loogu soo dhoweeyo boqorrada soo booqda ayaa loogu soo dhoweeyey maydka Fircoon, kadib kolonyo gaadiid heer sarreeya ah ayaa u qaaday xarunta hiddaha ee dalka France si loogu sameeyo baadhitaan cilmi ah oo ay fulinayaan khubarada ugu waaweyn cilmiga hiddaha, dhakhaatiir iyo aqoonyahanno aad u tiro badan. Khubarada daraasaddan samaynaysay waxa hormuud u ahaa Professor Morris Bocay oo ah khabiir weyn oo looga dambeeyo cilmiga raad-raaca taariikhda iyo dib u dhiska raadadka taariikhiga ah ee burburka ku dhaw. Dadaalka ugu weyn ee Morris Bocay waxa uu ahaa in uu ogaado sida uu dhab ahaan u dhintay Fircoon. Ugu horreyntiiba waxa yaabka keenay waxa uu ahaa in maydka Fircoonka weyn ee la keenay dalka Masar uu kaga duwanaa maydka fircoonnadii hore yar yaraa, Maydka Faraacinada waxa sida qasilka loogu dhoobi jiray caleen laga keeni jiray dhulka udugga oo ahaa deegaannada bariga ee Somaliland, si looga ilaaliyo in maydku qudhmo ama is beddelo. Waxa ay khubaradan Faransiiska ahi aad ula yaabeen in maydkan fircoonka weyn aanu is beddelin iyada oo aan la marin haba yaraato ee wax dhir iyo caleen ah.

Khubarada Faransiisku waxa ay baadhitaankii ku heleen in baabacada gacmaha Fircoon ay ka heleen milixda iyo hadhaaga dhanaanka biyaha badda oo dabcan ah kuwii uu ku qaraqsamay. Waxa ay khubaradu heleen in lafaha Fircoon burbursanaayeen iyada oo aanu hilibku waxba qabin, taas oo muujinaysa in lafaha fircoon ku burbureen cadaadiska biyihii isku dhirbaaxay, haddii wax kale burburiyeen lafihiisana la arki lahaa nabarrada. Waxa kale oo ay khubaradani daraasaddooda ku xaqiijiyeen in Maydka Fircoon si dhaqso ah looga saaray biyaha uu ku qaraqmay. Arrinta kale ee Khubaradan Faransiiska ahi soo saareen waxa ka mid ah xaaladda labada gacmood ee fircoon oo ay kala soo baxeen in qaabka ay gacantiisa Midig u taallo iyo qaabka faraheedu u laaban yihiin ay astaan u tahay in Fircoon markii uu dhintay gacanta ku haystay Seef ama uu gacanta ku hayey hoggaan (Faras). Waxa iyadana ka muuqata qaabka gacantiisa bidix in uu isku dayey inuu dabbaasho ama ugu yaraan iska badbaadiyo qarraqa.

Arrinta ka yaabisay professor-ka hawshan gacanta ku hayey ee Morris Bocay waxa ay ahayd  in maydkan Fircoon aanu si dabiici ah u dhiman ee uu qaraqsamay, in isla markii ay baddu liqday laga soo saaray illaa haddana uu maydkiisii yaallo. Waxa uu is weydiiyey sida uu maydkani muddadaa u yaallay is beddel la'aan. Professor Morris Bocay oo muddo ku dhex jiray baadhitaankan cilmiga ahi waxa uu diyaariyey warbixintii ugu dambaysay ee daraasaddiisan oo uu u arkayey in wax badan uu ku ogaaday. Waxa uu Professor-ku ku riyoonayey in arrintani noqon doonto arrin taariikhi ah oo uu ku helo sumcad, warbaahinta dunida oo dhamina ay qaadaa dhigi doonto. Professor Morris Bocay oo dhamaystiray warbixintii isuna diyaarinaya in uu warbaahina la hadlo, waxa si kedis ah warka uu diyaariyey uga war helay mid ka mid ah saaxiibadii, ninkani waxa uu ogaaday waxa ugu weyn ee uu Morris Bocay la shir tegeyaa in uu yahay in uu ogaaday, Fircoon in uu qaraq badda ah ku dhintay, in jidhkiisuu aanu is beddelin iwm. 

Professor Morris Bocay oo dhamaystiray warbixintii isuna diyaarinaya in uu warbaahina la hadlo, waxa si kedis ah warka uu diyaariyey uga war helay mid ka mid ah saaxiibadii, ninkani waxa uu ogaaday waxa ugu weyn ee uu Morris Bocay la shir tegeyaa in uu yahay in uu ogaaday, Fircoon in uu qaraq badda ah ku dhintay, in jidhkiisuu aanu is beddelin iwm. Ninkani waxa uu si deg deg ah saaxiibkii ugu sheegay in warkan uu hadda in la ogaaday sheegayaa yahay war 14 qarni ka hor Qur'aanka muslimiintu ka waramay. Professor Morris Bocay warkani wuu u cuntami waayey, inta uu dib u dhigay warbixintii iyo la hadalkii warbaahinta ayuu dib ugu noqday kutubka ay aaminsan yihiin, Yuhuudda iyo masiixiyiintu iyo kitaabka Qur'aanka Kariimka ah, si uu u ogaado waxa ay diimahani ka yidhaahdeen Fircoon.

Professor Morris Bocay waxa uu aaminsanaa in aanay arrintani suuro gal ahayn, cidda keliya ee ogaan kartaana tahay cid qarnigan nool oo isticmaalaysa qalab Kombiyuutar oo aad u horumarsan iyo aqoon casri ah. Arrinta kale ee sii laban-laabtay in Morris Bocay uu la yaabo warka saaxiibkii ayaa ahayd isaga oo aaminsanaa taariikhda ay qabaan Saynisyahannada  reer galbeedka ee ah in markii ugu horreysay ee nooc uun war ah laga helo Fircoon ay ahayd sannadkii 1898-kii. Professor-kan reer France ee Morris Bocay waxa uu habeen dhan ku saamaleylay in uu baadho dibna ugu noqdo maydka Fircoon isaga oo barbar dhigaya warka uu ka helay saaxiibkii iyo kutubtii diimaha ee uu dib u soo akhriyey, waxa u soo baxay waxa uu kitaabka Masiixiyiintu ka yidhi Fircoon oo ah, hadal kooban oo ahaa, In Fircoon uu badda ku qaraqmay xilli uu baacsanayey Nebi Muuse Calayhi Salaam. Laakiin kama uu warramin waxa uu ku dambeeyey maydkii Fircoon.

Professor Mores Bocay indho isuma uu keenin intii uu hwshan watay waxaanu go'aan ku gaadhay in uu akhriyo kitaabka Tawraad ee ay Yuhuuddu ku andacooto in ay aaminsan yihiin, waxa uu ka odhanayo Fircoon iyo dhimashadiisa, jawaabta kitaabka tawraad uga soo baxdayna waxa ay noqotay,  "Biyihii ayaa dib isugu soo noqday, kadib waxa ay dabooleen gaadiidkii iyo fardooleydii Fircoon oo badda ka soo daba galay (Nebi Muuse iyo intii raacday) qofna kama uu hadhin. (Fircoon iyo dadkiisii). Mores Bocay waxa uu galay xaalad dawakh iyo jaah wareer ah, waxa uu arkay in labadan kitaabba wax kooban uun ka sheegeen warka Fircoon iyo qaabkii uu u qaraqmay, laakiin haddana ay ka midaysan yihiin in ay muddadaa dheer ka hor ka waramayeen natiijada uu maanta sitay ee ah in Fircoon uu biyo ku qaraqmay, waxase uu is weydiiyey sababta labadan kitaab uga hadli waayeen si gaar ah maydka Fircoon iyo waxa uu ku dambaynayo.

Muddadii Maydka fircoon loo ogolaa in uu yaallo dalka France ayaa dhammaatay Mores oo aan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan wixii daraasad iyo cilmi cusub ah ee uu ka gaadhay baadhitaankii uu ku sameeyey qalfoofka Fircoon. Maydkii Fircoon waxa lagu soo celiyey Masar, Mores waxa dareen badan ku dhaliyey hadalka dadka muslimiinta ahi ku celceliyaan ee caammo iyo culimo-ba ay ku sheegaan in Fircoon maydkiisii weli yaallo oo aanu is beddelin. Baadhitaan uu ku sameeyey diinta Islaamka iyo Qur'aanka oo loo akhriyey kadib waxa uu helay sida uu qur'aanku uga hadlay Fircoon, waxa loo akhriyey ayaadda Qur'aanka ah ee ku jirta suuradda Yunas, Aayaddani waxa ay ka waramaysaa Qisadii Fircoon markii uu qaraqmay iyo hadalkii u dambeeyey ee uu Alle ku yidhi oo ahaa, "Maanta waxa aanu badbaadin doonnaa jidhkaaga si dadka kuwa kaa dambeeya ugu noqoto aayad, in badan oo dadka ka mid ahi aayadahayaga waa ay ka qalbi xidhan yihiin" Aayaddan Qur'aanka ahi waxa ay qalbiga Mores u gashay sida leebka isaga oo aan is ogeyn inta uu hal mar kor u boodey ayuu cod dheer ku yidhi, "Diinta Islaamka ayaan galay, Qur'aankan ayaanan rumeeyey"

Mores waxa uu dalkiisii France ku noqday isaga oo muslim ah. Waxa aanu u go'ay in uu baadho xidhiidhka ka dhexeeya Qur'aanka kariimka ah iyo cilmiga casriga ah, gaar ahaan Sayniska oo uu aqoon durugsan u lahaa. Muddo kadibna Mores waxa uu qoray buug caan ah oo cinwaankiisu Soomaali ku noqonayo, Qur'aanka, Tawraad iyo Injiil iyo Sayniska, oo uu kaga waramayo Diimaha Samaawiga ah iyo cilmiga casriga ah. Buuggani waxa uu noqday buug gilgila dunida reer galbeedka dad badanna soo jiita.

Professor Mores Bokay oo dhashay sannadkii 1920kii waxa uu ahaa dhakhtar, saynisyahan, ataar-raadiye iyo qoraa geeriyooday sannadkii 1998kii. Muslimnimadiisii kadibna waxa uu qoray buug lagu magacaabo, Baybalka, Qur’aanka iyo Sayniska oo ku doodaya in Qur’aanka Kariimka ah aanu ku jirin hal erey oo ka hor imanaya xaqiiqooyinka Saynis ee sugan,  “The Bible, The Qur’an and Science” buuggan oo sheegaya in aanu Baybalku isagu sidaas Qur’aanka oo kale ahayn, waxa uu sheegaya in taariikhda marka dib loogu noqdo laga dheehanayo in Islaamku diinta iyo Sayniska mar kasta mataaneeyey, iyo in baybalka laga helayo qaladaad tiro badan oo Saynis ah, laakiin aan hal qalad oo saynis ah laga heli karin Qur’aanka, waxa aanu ku soo gebogabeeyey in Qur’aanku uu yahay ereyadii iyo hadalkii Alle. Dhammaad…

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!