Chelsea Oo Qorshaynaysa Talaabadii Ugu Waynayd Ee Ay Eden Hazard Kaga Joojin Lahayd Real Madrid

2
4066

Maamulka kooxda Chelsea ayaa bilihii la soo dhaafay ku soo jiray shaqo adag oo ay heshiisyo cusub kaga saxiixanayaan ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdooda waxayna shalay heshiis cusub ka saxiixdeen Cesar Azplicuata halka Pedro Rodriguez uu ahaa xidigii ka sii horeeyay ee qandaraas cusub saxiixay.Laakiin hadda maamulka Chelsea ayaa qaaday talaabadii ugu waynayd ee ay Eden Hazard ugaga joojinayaan in uu ku biiro kooxda Real Madrid iyaga oo si deg deg ah ugu soo bandhigaya qandaraas cusub oo uu sanadkii ku qaadan doono £15.6 milyn gini.Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay in todobaad kasta ay socdaan wada xaajoodyada maamulka kooxdiisa iyo wakiilada Eden Hazard si heshiis cusub looga saxiixo wuxuuna sidoo kale Sarri doonayaa in qandaraasyo cusub laga saxiixo David Luiz iyo Cesc Fabregas si ay qorshihiisa ugu sii jiraan.Eden Hazard ayaa sida ugu deg dega badan loogu soo bandhigi doonaa heshiis cusub oo uu todobaadkii mushaar ahaan u qaadan doono £300,000 kun oo gini si meesha looga saaro riyada Eden Hazard ee ah in uu Real Madrid u ciyaaro.Eden Hazard ayaa marar badan qirtay sida uu u jecel yahay in uu ka ciyaaro kooxda Real Madrid iyada oo dhawr jeer uu waraysi ku sheegay in xataa uu xagaagii la soo dhaafay doonayay in uu Chelsea ka baxo laakiin hadda Blues ayaa doonaysa in ay wax walba u samayso Hazard si uu kooxda baaqi ugu sii ahaado.Real Madrid ayaa waqti dheer doonaysay saxiixa Eden Hazard, waxaana la fahansan yahay in madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu wali bartilmaameed ka dhiganayo Hazard maadaama oo ay kooxdiisu si wayn ugu jabtay bixitaankii Cristiano Ronaldo.Maurizio Sarri oo ka hadlaya muhiimada uu Eden Hazard kooxdiisa Chelsea ku leeyahay iyo sida ay ugu baahan yihiin in uu kooxda sii joogo ayaa yidhi: “Si aad u fiican ayaad u ogtihiin in Eden uu anaga aad muhiim noogu yahay ee si la mid ah ciyaartoy kasta oo khaas ah. Kooxdu waxay diyaar u tahay in ay si deg deg ah heshiis cusub u saxiixdo”.Chelsea ayaa doonaysa in heshiiska Eden Hazard oo dhacaya 2020 in ay ka dhigto mid waqti dheer ah oo uu lagu kordhin karo ilaa afar ama shan sanadood taas oo soo xidhi karta albaabka riyadii Hazard ee Real Madrid.Laakiin sidoo kale Sarri ayaa doonaya in maamulka kooxdiisa Blues ay heshiisyo cusub ka saxiixaan Fabregas iyo David Luiz kuwaas oo waqtiyo badan shaki la galinayay mustaqbalkooda Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here