Ceel Uu Dar Alle U Bixiyey Asxaabigii Weynaa Ee Cismaan Bin Cafaan Oo 1400 Oo Sano Kadib Weli La Intifaacsado

0
1046

Maka (Geeska)- Shabakadda wararka ee Al-Carabiya ayaa kormeer shaqo ku soo martay ceelka biyoodka caanka ah ee Rooma ‘Bi’ru Ruumah’ oo ku yaalla magaalada barakaysan ee Maddiina.

Ceelkan waxaa magaciisa hore loo odhan jiray Ruumah balse imika waxaa lagu magacaabo Cismaan Binu Cafaan iyada oo loogu magacdaray asxaabigii weynaa ee Cusmaan Bin Cafaan, maadaama oo uu isagu ceelkan waqaf u bixiyey.

Kun iyo afar boqol (1400) oo sano ayaa laga joogaa markii uu Cusmaan Bin Cafaan (Alle ha ka raalli ahaado ee) ceelkan iibsaday si uu muslimiinta oo biyo la’aani haysay biyihiisa ugu deeqo, ayaa illaa maanta soo saara biyo badan oo lagu waraabiyo beer uu weligiiba ku dhex yaallay oo imika ay maamusho wasaaradda beeraha ee dalka Sucuudigu.

Cusmaan Bin Cafaan waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii maalqabeenka ahayd xilligii Nebi Muxammed (SCW), ee faafinta diinta ugu deeqay dhaqaalaha aadka u badan, waxa uu guursaday laba hablood oo uu Nebi Muxamed (SCW) dhalay oo midi xigsiisan ta kale u tahay, waana sababta loogu magacaabay, ‘Laba Nuurle’ waxa kale oo uu Cusmaan Bin Cafaan, Alle ha ka raalli ahaado ee, ka mid ahaa tobankii ruux ee iyaga oo adduunyada korkeeda weli jooga loogu bishaareeyey in ay jannada gelayaan.

Qofka Ceelkan iyo beerta uu ku dhe yaalla booqdaa si dhayal ah kuma geli karo, maadaama oo ay wasaaradda beeraha ee dalka Sucuudigu aad u ilaaliso si aanay cagta badani u dilin raadadka taariikhiga ah, waxa aanay dawladda Sucuudigu u aqoonsantay goobaha dalxiis ee muhiimka ah ee ku yaalla dhulkeeda.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay, ayaa ka warrantay taariikhda ceelkan ‘Ruumah’ oo uu lahaan jiray, nin ka mid ahaa asxaabtii Nebiga (SCW) oo lagu magacaabi jiray Ruumah Al-Qafaari (Alle ha ka raalli ahaado ee). Asxaabigan ayaa biyaha ceelkan ka iibin jiray dadka reer Madiina, laakiin qiimaha oo ku qaali ahaa iyo biyo yaraan jirtay awgeed ayaa maalin maalmaha ka mid ah uu Rasuulku (SCW) ninkan ka codsaday in uu ceelkan dar Alle u bixiyo, “Maad ku beddelan il ka mid ah ilaha jannada” Laakiin asxaabigani arrintaas waa uu ka gaws adaygay maadaama oo aanu hanti kale lahayn, waxa aanu ku jawaabay, “Rasuulkii Alloow, ma lihi il kale oo dhaqaale, sidaa awgeed ma’ awoodo in aan lacag la’aan ku bixiyo”

Sheekhada dhex martay asxaabigan (Alle Ha Ka Raalli ahaado ee) iyo Nebiga (SCW) ayaa gaadhay asxaabiga Cusmaan Bin Cafaan (Alle ha ka raalli ahaado). Cusmaan waxa uu u tegey asxaabigan oo uu ka dalbaday in uu ka iibiyo, waxa aanay ku heshiiyeen in ceelka uu Cismaan siisto lacag dhan 35 Kun oo Dirham oo markaas ahayd lacag aad u badan. Kadib Cusmaan waxa uu u tegey Nebi Muxammed oo uu u sheegay in uu isagu diyaar u yahay in ceelka uu ku iibiyo qiimihii ahaa Il Jannada ku taalla. “Rasuulkii  Alloow, Aniga sidii aad isaga u sheegtay oo kale ma’ ku helayaa ilk a mid ah ilaha jannada” ayaa uu ku yidhi, waxa aanu Nebigu ugu jawaabay, “Haa” Kadib Cusmaan Bin Cafaan waxa uu Nebiga u sheegay in uu ceelkii iibsaday Muslimiintana Waqaf uga dhigayo.

Waxaa jira warar sheegaya in ay jiraan meelo badan oo waqaf loo isticmaalo oo iyaguna dawladda ugu diiwaangashan Cusmaan Bin Cafaan, waxaa ka mid ah Hudheel iyo akoon bangi oo lacagta ku soo dhacda sadaqad loo bixiyo, waxa isaguna jiray guri uu lahaa Cusmaan Bin Cafaan oo ku yaalla jihada bari ee Masjidka Nebiga, laakiin markii dambe waa la dumiyey kadib markii masaajidka ballaadhintiisu ay gaadhay.

Cabdillaahi Kaabir oo ah cilmibaadhe ku xeeldheer taariikhda Nebiga iyo aataarta magaalada Maddiina ayaa mar uu ka hadlay ceelka Cusmaan iyo xaaladdiisa hadda waxa uu sheegay in uu ceelkaasi yahay sidii uu ahaa markii uu Cusmaan sheegay in uu biyihiisa waqaf uga dhigay muslimiinta illaa maalinta qiyaame.

Kaabir waxa uu sheegay in ceelka biyihiisu ay caadi yihiin dhadhankooduna macaan yahay, dhinacyadiisana ay ka baxeen dhir badan oo timir ah, iyada oo goobta uu ku yaallaana ay tahay beer dhammaystiran.