Ceebta Madaxweyne Siilaanyo Dhabta U Saaran Prof. Gaaxane Guuleed

0
622

Maalmihii u dambeeyay waxa taagnaa hadal haynta dhul ay leedahay hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP oo ay dawladda hoose ee Hargeysa ka iibisay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Mr. Cumaani.

1

Dhulkaas, waxa ka gadooday dadka deegaanka oo ay layaab ku noqotay, sidaan wararka ku hayana Qaramada Midoobay lafteeda ayay ku noqotay u qaadan waa’, in hanti ay leedahay aadyar oo dhalatay ay dawlad hoose iska iibiso.

War kale ayaa isna soo kordhay oo ah in dawladda Hoose ay dhawr bilood ka hor iibisay dhul kale oo ay leedahay hay’adda kale ee Qaramada Midoobay ee FAO. 

Labadan Dhulba waxay ku kala yaalaan masalaha bari iyo masalaha galbeed ee Hargeysa, waxaana bixiyay maamulkii Daahir Rayaale Kaahin.

Talaabadan ay qaaday dawladda Hoose ee Hargeysa, waa talaabo fool xun oo muujinaysa heerka ay maamul xumadu ka gaadhay. Laakiin waxa intaasba ka sii daran in si fudud loo kala dilayo beesha Qaramada Midoobay iyo Somaliland.

Beesha Qaramada Midoobay, dawladaha caalamka iyo ururada kaleba, waxa ay xidhiidh toos ah la leeyihiin dawladda Somaliland, lamana laha xidhiidh dawladaha hoose ee dalka.

Sidaas darteed, Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md. Saylici waxa uu xil ka saaranyahay inay ilaaliyaan hantida duwalka iyo ururada caalamku ku leeyihiin Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, waxaan ogahay inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay ururada caalamiga ah, ilaa markii uu ahaa wasiirka qorshaynta Somaliya oo aan ana agaasime waaxeed ka ahaa wasaaradii waxbarashada  ee Somaliya. Sidoo kale wuxuu Axmed Siilaanyo xidhiidh wanaagsan la lahaa hayadaha calaamiga ah markii uu ahaa wasiirka qorshaynta xilligii Madaxweyne Cigaal.

Haddaba, maanta oo uu Madaxweyne yahay, waxa looga fadhiyaa madaxweynaha inuu qaranka ka mooso ceebta ka taagan dhulalkan Qaramada Midoobay ee ay dawladda hoose ee Hargeysa u soo dhigatay.

Madaxweyne; ceebtani haddii aadan inaga moosin waxay inoo horseedi doontaa in dunidu ka shakido aaminaadeena iyo in la inagu halayn karo heshiisyo, mar haddii ay dawladaheenii hoose dar jiidheen oo ay si fudud u xaraashayaan hanti Qaramada Midoobay leedahay.

Madaxweyne, halka ay dawladeena hoose ee Hargeysa dhul ka qaadayso Qaramada Midoobay, waxaad ogaataa in dawladda Muqdisho ee Somaliya soo jiidanayso hay’adaha caalamig ah, iyadoo dhul siisa safaaradaha iyo hay’adaha Muqdisho dega. Waa kaaf iyo kala dheeri.

Dawladda Hoose ee Hargeysa, ka oday ahaan waxaan ku waaninayaa inay ogaadaan in talaabooyinkan ay wiiqi karaan xidhiidhka Somaliland la eedahay adduunyada. Ha ogaadaan in talaabo si fudud loo qaadaa ay dib u celin karto qarankan.

Prof Gaaxane Guuleed