Casrigii Aadamuhu Xayawaankan Xukunka Ku Ridi Jiray: Diig Dil Gubid Ah Lagu Xukumay Iyo Dembiga Uu Galay

0
3497

Hargeysa (Geeska)- In badan ayaa aynu maqalnaa xukunno taariikhihii hore ee aadamaha dhacay oo maskaxda ka bixi waayey. Waxaa ka mid ah xukunno dil ahaa ama xabsi daayin ahaa oo dad ku dhacay, laakiin aynu ka biyo diidnay sababta ciqaabta ama qaabka xukunku u dhacay. Laakiin arrintaasi waxa ay dhayal noqonaysaa marka aynu ogaanno dawlado xayawaan iyo shimbiro xukunno yaab leh ku riday. Sheeko uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya, ayaa ka warramaysa xukun ciqaabeed ay maxkamad ku taalla dalka Switzerland ku ridday diig. Maxaa uu galabsaday diiggaasi? Muxuu se ahaa xukunka ku dhacay?

Casriyadii dhexe ee taariikhda aadamaha, waxaa caadi ahayd in maxkamadaha la soo taago xayawaanno loo haysto dembiyo, oo kaddibna garsoore uu xukunno kala duwan ku rido. In badan ayaana aad taariikhda ku arkaysaa xayawaan sida aadamaha maxkamad la horgeeyey oo xukun la mid ah ka aadamaha lagu riday. Inta badan eedaha xayawaanka loo jeedin jiray waxa ay ahaayeen dil ay geysteen ama beero cid kale lahayd oo ay dalagii bi’iyeen. Aynu soo qaadanno dhacdo taariikhda ku xusan oo sannadkii 1474 kii taariikhda miilaadiga ka dhacday dalka Switzerland.

Diig ka mid ah digaaggii magaalada Basel ee dalka Switzerland ayaa uu booliisku maxkamadda geeyey kaddib markii uu ku eedeeyey in uu beed dhalay. Dembi soo oogihii dacwaddani waxa uu maxkamadda ka hor sheegay in diiggani uu dembi aad u fool xun galay. Maadaama oo in uu beed dhalay uu macnaheedu yahay in uu shaydaan la macaamilay.

Waxaa xiise lahayd in diiggani muddadii dacwaddu socotay, aanu wax war ah ama faham ah ka haysan waxa dhacaya iyo dembiga lagu soo oogay, dareenka keliya ee laga arkayeyna uu ahaa isaga oo cida digaagga lagu yaqaan ee caadiga ah samaynaya, mararka qaarkoodna dhawaqii diigga la sara kacaya. Waxaa iyaduna yaab leh in qareenkii maxkamaddu u qabatay in uu diigga difaacaa, uu maxkamadda kaga hor doodaday in diiggu beedkan si qaldan u dhalay, oo aanu ku talagal ka ahayn. Laakiin dooddaasi garsoorihii dacwadda qaadayey kuma ay qancin in uu diiggu beri yahay. Cabsida ugu weyn ee maxkamadda iyo dadka magaaladuba qabeen waxa ay ahayd in beedkan uu diiggu dhalay aanu kolayba dabiici ahayn, sidaa awgeedna ay suurtagal tahay in noole aan caadi ahayni ka soo dillaaco, dhibaatana geysan karo.

Ugu dambayntii garsoorihii maxkamaddu waxa uu gaadhay xukun ah in diigga lagu fuliyo ciqaab dil ah, oo weliba nolosha lagu gubayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here