Casharrada Taariikhda: Quudhsi Qabiil Ayaa Sababay Dhimashadii Ciidan Ee Ugu Badnayd Gudaha Maraykanka

28
2675

ashington (Geeska)- 25kii Bishii Lixaad ee 1876 kii waxa ay ka mid ahayd maalmihii ugu xanuunka badnaa ciidamada Maraykanku dagaalladii ay ka galeen dalkooda gudihiisa. Boqollaal ka mid ah askartii iyo saraakiishii guutooyin ka mid ahaa, qaybta ‘7th Cavalry Regiment’ ee ciidamada Maraykanka ayaa si fool xun loo gumaaday kaddib markii ay weerar ku qaadeen fadhiisinno ay degenaayeen ciidamo beeleedyo ay lahaayeen qabiilooyinka Sioux iyo Cheyenne.

Sioux iyo Cheyenne waa laba ka mid ah qabiilooyinkii ugu horreeyey asal ahaanna deegaanka ku ahaa woqooyiga Ameerika. Dagaallo adag ayaa bilowgii dhismaha dawladda Maraykanka dhex maray ciidamo ay qabiilooyinkani lahaayeen iyo kuwii dawladda oo ay dadkani u arkayeen in ay quudhsanayso, isla markaana ay xoog kaga qaadayso dhulkii ay ku beernaayeen. Bananka waaweyn ‘Great Plains’ oo dhaca dhulka Maraykanka ee xiga dhinaca Kanada, waa dhul aad ugu fiican xoolo dhaqashada; waxa uu leeyahay cimilo aad u fiican, dooxyo biyo leh iyo daaqsinno hodan ah. waxa kale oo deegaankaas ku yaalla silsilad buuro yaryar ah oo lagu magacaabo ‘Black Hills’. Taagaggan oo midabkoodu madow yahay waxa ay ka mid ahaayeen meelaha ay dhaqan ahaan qabiilooyinkani si gaar ah u qaddariyaan oo ay hidde badan ku leeyihiin dhaqankoodana saamaynta ku yeeshay.

Haddaba, sannadkii 1875 kii, waxa uu Maraykanku ogaaday in buuraha silsiladda ah ee Black Hills ay dahab leeyihiin. Kaddib waxa ay dawladda Maraykan ka baxday heshiis ay hore beelaha deegaankaas ugula jirtay, waxa aanay go’aansatay in ay qasab ku rarto dadka deegaanka dhulkan u leh oo ay geyso deegaanno kale oo ay u diyaarisay. Buurahan iyo dhulka ka agdhowaana waxa la qorsheeyey in ay degaan dadkii asalkoodu Yurub ka soo jeeday ee Maraykanka. Isla markaanal aga bilaabo shaqo dahab qodis ah. Laakiin dadkii dhulka iska lahaa deegaan ahaan oo ay ka mid ahaayeen labadaas qabiil oo ka tirsan dadka Maraykanka looga yaqaannay ‘Hindida cascas’ waa ay diideen go’aankaas dhulkooda lagaga rarayo, oo ay u arkayeen in uu meel ka dhac ku yahay dhaqankooda, sharaftoodana quudhsi ku yahay.

Jiif caaqilkii beesha Sioux oo lagu magacaabi jiray ‘Sitting Bull’ oo noqonaysa ‘Dibi fadhiya’ kana mid ahaa raggii ugu magaca dheeraa hoggaamiyeyaashii qabiilka ee dhulkan lahaa, ayaa soo saaray go’aan uu si cad ugu diidayo in deegaanka asalka ah loo raro dhul kale oo dawladdu dejinayso. Waxa uu beeshiisa iyo kuwii ay danwadaagta ahaayeen ka soo ururiyey ciidamo aad u baaxad weyn, oo difaac ka galay duleedka webiga Little Bighorn. Dawladda Maraykanku wax weyn uma ay arkayn go’aanka Jiif Caaqilka iyo diidmada dadkan midna, sidaa awgeed waxa ay degaanka u soo dirtay ciidamo culus oo dhulkan qasab kaga rara dadka, isla markaana ka ilaaliya in ay dib ugu soo noqdaan.

Dabayaaqadii sannadkii 1876 kii, ciidan beeleedkii uu ‘Dibi Fadhiyaa’ isugu keenay deegaankan oo aanay tiradoodu ka yarayn 10 kun oo ruux oo dhammaantood beelihii asalka u lahaa dhulka ay, ayaa waxa ay ku dhaqaaqeen tallaabooyin ay si cad uga hor imanayaan nidaamkii dawladdu soo rogtay. Waxa ay samaysteen fadhiisinno ciidan, waxa ay diideen dhulkan in loo gacan dhaafo, waxa aanay iska dhego mariyeen digniinno dawladdu ugu sheegaysay in ay tallaabo ciidan ka qaadi doonto, haddii aanay dib ugu noqon dhulkii ay dawladdu u qorshaysay in ay degaan.

Badhtamihii bishii Lixaad ee 1876 kii, guutooyin ka mid ah qaybta ‘7th Caval’ ayaa ay dawladdu soo dejisay meel ku dhow fadhiisinnadii ciidan beeleedyadii Sioux iyo Cheyenne ee hoos imanayey ‘Dibi Fadhiya’.

17kii Isla bishaas waxa ay ciidamada Maraykanku weerarro marka hore koobnaa ku qaadday fadhiisinnada ciidan beeleedyada oo ay bilowgii ay guulo iyo horumar fiican ka sameeyeen.

Markii weerarkaas koowaad uu maalmo socday, ayaa Sarreeye guuto Alfred Gibbs, oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Maraykanku uu sarkaal lagu magacaabi jiray George Custer u magacaabay taliyaha qaybta ‘7th Caval’ ee ciidamada Maraykanka, ciidamadan oo ahaa kuwo si aad ah u tababaran iyo janaraalkan oo guulo ka soo hooyey dagaalkii sokeeye ee Maraykanka ayaa uu taliyaha guud ku amray in uu weerar ballaadhan ku qaado ciidan beeleedyadan, si looga qabsado dhulkan ay dawladdu la wareegaysay.

Arooryo ay bisha Lixaad ahayd 25 sannadkaas 1876kii ayaa uu taliye Custer ciidan aad u culus dul dhigay fadhiisinnadii ciidamada beelaha Sioux iyo Cheyenne oo ahaa duleedka webiga Little Bighorn ah gacan ka mid ah gacamada webiga weyn ee Bighorn, oo ku yaalla gobalka Montana ee woqooyiga galbeed ee Maraykanka.

Waxa uu qorshuhu ahaa in ciidankan Maraykanku aanu weerar qaadin illaa ay soo gaadho xoojin kale oo ku soo socotay, laakiin taliye Custer oo ahaa nin aad u qabweyn xirfaddiisa dagaalna ku kalsoon ayaa sugi kari waayey, maadaama oo uu u arkayey in ciidan beeleedkani aanu waqti badan ku qaadanayn. Sahan uu diray ayaa uu ku ogaaday in ciidan beeleedka uu dul fadhiyey ay tiradoodu dhowr boqol tahay, sidaa awgeed waxa uu dhaqaajiyey 600 oo ka mid ahaa haldoorkii ciidamadiisa.

Isla markii dagaalku qarxayba waxaa ciidan beeleedkii soo gaadhay ciidamo beeleed 3 kun lagu qiyaasay oo xoojin ah. Dagaal qadhaadh oo muddo aan saacad ka badnayn socday ayaa uu ciidan beeleedkii ku dileen in ka badan 268 ka mid ahaa ciidanka Maraykanka, waxa kale oo ay dileen taliye George Custer laftiisii. Halka ay dhinaca beelahana ka dhinteen askar lagu qiyaasay in ay u dhexeysay 36 illaa 136 dagaalyahan.

Ayaandarrada heshay ciidamada Maraykanku intaas oo keliya ma’ay ahayn. Markii dagaalku dhammaaday ayaa ciidamadii iyo saraakiishii Maraykanka ee tegey waxa ay ku arkeen maydadka tirada badan ee ciidanka Maraykanka oo dhammaantood xubnahooda dhaawacyo iyo jarjarid aan tii dhaawaca hore ahayni ku taallo. Arrintaasi waxa ay sababtay in ay faafeen faafeen warar argagax ku abuuray ciidamada oo sheegayey in qabiilladani ay caado u leeyihiin in askariga ay qabtana ay isaga oo nool xubnihiisa jarjaraan, arrintaasi waxa ay sababtay in tiro aad u badan oo ciidamadii Maraykanka ahaa marka ay arkaan in laga gacansarraynayo, iyaga oo ka baqa qaba in la qabto ama diiddna in ay is dhiibaan in ay naftooda xabbad ku wada dhufteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here