Casharada Nolosha (6): Caqabadaha Kaa Hor Yimaadda Uga Faa’idayso In Aad Hesho Xal Waara

0
823

1Washington (Geeska)- Maanta dunida horumartay iyo inta badan ee dunida soo koraysaba waa ay ku yar tahay in laga helo ruux lacag caddaan ah sita oo wax ku iibsanaya, marka laga reebo xaalado aan badnayn. Dadku waxa ay wada sitaan kaadh yar oo leh qayb kombiyuutarku akhriyayo, kuna xidhan xisaab uu qofku ku leeyahay baanka oo ay lacagi u taallo.

Waxaa laga yaabaa in aynu wada dareemayno in uu yahay hab fudayd iyo nabadgelyaba la bidi karo, laakiin aynaan is weydiin asal ahaan sida uu ku yimid.

Waxa uu Geeska Afrika qormadan ku soo bandhigayaa qisada uu isticmaalka kaadhkaasi ku yimid oo ah mid ina baraysa in marka ay nolosheenna caqabadi ku timaaddo aynu uga faa’idaysanno in aynu raadino xal caqabaddaas tiritiraya oo innaga iyo cid kasta oo taas oo kale ku dhici lahaydba u faa’ideeya.

Sannadkii 1950kii ayaa nin lagu magacaabo Frank McNamara uu hudheelka Major Cabin Grill ee magaalada New York dad ay macaamil ganacsi lahaayeen ugu sameeyey casuumad qado iyo quraacba lagu sheegay. Nasiibdarro markii cuntadii iyo sheekadii la dhammaystay Frank waa uu is arkay isaga oo aan lacag sidan oo shandaddii jeebka gurigii kaga yimid.

Xaaskiisa ayaa uuhoos ka diray oo inta ay gaadhigii kaxaysatay dhaqso u doontay lacagtii, waana ay keentay, laakiin markala eego mansabka uu joogay iyo nooca casuumadda in khajilaad ugu filani waa ay ku dhacday. Frank waxa uu markiibaka fikiray xal waxa aanu isla goobtii ku ikhtiraacay gaadhka ‘Credit Card’ ka loo yaqaano ee maanta dunida ka caanka ah, kadib markii uu arrinkaas kala xaajooday ninkii hudheelka lahaa, saaxiibkii iyo nin qareenkiisa ahaa si arrinta uu si ballaadhan uga fikiro.