Carwada Shirkada TELESOM Oo Maanta Gashay Maalintii Saddexaad Iyo Gunaanadka Maanta

0
880

 

telesomHargaysa(Geeska) Shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM oo adeegyada ayaa beerta xoriyada ee magaalda Hargaysa ku qabatay Carwo ay ku soo bandhigtay adeega 3G, Internet xawaarahiisu sareeyo, Video Call iyo adeegyo kale. Waxaanay carwadani maanta gashay maalinti H

 

argaysa(Geeska) Shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM oo adeegyada ayaa beerta xoriyada ee magaalda Hargaysa ku qabatay Carwo ay ku soo bandhigtay adeega 3G, Internet xawaarahiisu sareeyo, Video Call iyo adeegyo kale. Waxaanay carwadani maanta gashay maalintii saddexaad.

Carwadan ay shirkadu ku soo bandhigaysay adeegyada cusub ee ay damcsantahay inay bulshadu la jaan qaado ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, Wasiirka ganacsiga Cabdiqaadir Khaliif Axmed, wasiirka cadaalda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka hawlha guud iyo guryaynta Ismaaciil Muumin Aare, masuuliyiinta shirkada TETESOM, bulsho aad u tiro bandan oo carwada soo booqay iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Dr.Axmed Xaashi Oday waxaanu wasiirku xusay inay horumar balaadhan sameeyeen shirkadaha isgaadhsiintu isla markaana ay dawlad ahaan badhi taari doonaan ayna jiray wakhti wadamda jaarka ah loo tagi jiray si loola hadlo wadamda dibada. Hadaldii wasiirkana waxa kamid ahaa

  “ Waxa weeyaan Isgaadhsiinta Somaliland tadawur fara badan bay soo martay, waxay soo martay Hargeysa oo ninka Talefan doonaya inuu debada kula hadlo Jabuuti ama Addis ababa uu tago, waxa ku xigay in halkii Minit Shan iyo toban Dollar la bixiyo, maantana waxayanu minitkii ku hadalnaa waxa weeye sanaati, guulahaa cid kale oo ka qayb qaadatay ma jirto ee waa shirkadaa isgaadhsiinta oo ay hogaan u tahay Telesom, markaa maantana waxa la inoo keenay nidaam cusub oo ah 3G waa Jiilka Sadexaad, Aduunku waxa uu marayaa ayaan u malaynayaa waa 4G, waxa inoo hadhay taas oo aynu ku boodno, markaa waxaan idiin sheegayaa in halkan aynu gaadhnay aanay weli gaadhin wadamada Jaarka aynu nahay” Isaga oo wasiirku hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi ”Meel wanaagsan ayey gaadheen Shirkaduhu anagana waxa nagu waajib ah inaanu halkaa ka sii badhi taarno oo waxaanu la qaban karno aanu la qabano, oo shirkada Telesom ayaa horumar sameysay cidina odhan mayso ee Somaliland ayaa horumar samaysay ayaa la odhanayaa, waxaan leeyahay cid kasta oo ka soo shaqaysay oo gacan ka geysatay Carwadan aynu furayno aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa”.

Waxa Carwadan isna hadalo ka yidhi wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Cabdiqaadir Khaliif Axmed hadaldiisan waxa kamida  “ Waxaan Shirkada Talesom leeyahay Hambalyo Adeegan cusub ee ay noo soo kordhisay, Shirkadaha Isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay runtii waxay buuxiyeen gol daloolooyin aanaanu kari karayn oo aan ugu hambalyeynayo halka ay kaga jiraan Bulshada”

Wasiirka cadaalda ee Somaliland Ismaaciil Muumin Aar ayaa isaguna ka hadlay Carwadan ay soo bandhigigtay shirkada TELESOM “ Waxa maanta guula, Horumarka ay soo bandhigtay Shirkada Telesom, waxaanay farxad u tahay Dawladda iyo Shacabka Somaliland, waayo waa arin ina wada taabanaysa, talaabooyinka Horumarkana ka mid ah, Jiilkan cusub ee la soo bandhigayo oo waa arin weyn, waxa la yidhaah markii Warshadaha la soo saaray Afriki way ka hadhay, buug aan akhriyey ayaa waxa la yidhi Afrikaay waadigii cabanayey ee markii Warshadaha la soo saarayey waad ka hadhee, maanta ha ka hadhin Jiilka cusub, waxay aad iyo aad farxad iigu tahay inaanay-naan ka hadhin ee aynu ku jirno Afarta dal ee ugu horeeya.

Hawlwadeenada shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa dhamaan dadkii Carwadaas isugu yimid waxa ay u sharaxeen adeegan cusib iyo sida loo isticmaalayo.

Carwadan ay shirkada TELESOM ku soo bandhigayso adeegyada casriga ah ayaa waxay socotay muddo sadex maalmooda, waxaana la soo gaba-gabaunayaa maanta, haddii Alle yidhaahdo.