Carwada Caalamiga Ah Ee Bandhigga Talefanada Gacanta Ee Casriga Ah Oo Sannadkan Shirkadda Sony Laga Filayo In Ay Wacdaro Ka Dhigto

0
626

Madrid (Geeska)- Inta badan ee shirkadaha caanka ah ee soo saara talefannada casriga ah ayaa isu diyaarinaya ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee soo bandhigidda talefannada oo sannadkan lagu qabanayo magaalada Barcelona ee dalka Isbayn.

Carwadan oo uu hareer socdo shirweynaha shirkadahani sannadkiiba mar yeeshaan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, Mobile World Congress waxa sannadkan la qabanayaa 27 bishan Feebarwer illaa 2da Bisha xigta ee Maarij isla sannadkan.

Waxaa la filayaa in sannadkan ay shirkadaha Sony, Huawei, LG iyo HTC ay carwada MWC 2017 (World Mobile Congress) ku soo bandhigaa talefannadoodii ugu dambeeyey uguna adeegyada casrisanaa, halka shirkadda weyn ee Samsung aanu illaa hadda caddayn go’aankeeda waxa ay kagaqayb geli doonto carwada iyo in ay soo bandhigi doonto talefan cusub, laakiin inta la og yahay, shirkadaha Show me, Microsoft aanay soo bandhigi doonin talefanno cusub.

Sony

Shirkadda Sony oo ka mid ah talefannada ugu magaca weyn dhinaca talefannada casriga ah, ayaa la sheegay in ay damacsan tahay in carwada MWC 2017 ay ku soo bandhigto dhowr talefan oo kala duwan, warbixin uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiyaayaa tilmaamaysa in shirkadda Sonny ay soo bandhigi doonto shan nooc oo talefannada casriga ah ka mid ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin ugu yaraan laba nooc oo ah nooca aadka u casriga ah. Warar si hoose uga soo baxay shirkadduna waxa ay tilmaamayaan in labadan nooc ee talefannada casriga ahi ay kala yihiin Xpheria XZ 2 oo ay shirkaddu ku naanaystay magaca Sony Yoshino iyo Xpheria X 2 oo isagana summad looga dhigay Sony BlancBright

LG

Talefannada kale ee lagu soo bandhigayo carwada MWC 2017 waxaa ka mid ah talefannada G-6 ee shirkadda LG, kaas oo noqon doona sancadii ugu dambaysay ee talefannada aadka u casrig ah ee ay soo saarto shirkaddan laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

Shirkado kale

Shirkadaha kale ee la filayana waxaa kamid ah shirkadda Huawei oo ah shirkad Caalamiya oo laga leeyahay dalka China oo soo bandhigaysa talefankeeda P10, shirkadda HTC ee dalka Taiwan oo laga sugayo in ay daaha ka rogto talefannadeeda casiga ah ee HTC 11. Shirkadda Motorola ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa in kasta oo aanay war rasmi ah soo saarin, haddana warar si hoose u soo baxayaa ay sheegayaan in ay qorshaysay in talefan aad u casriya oo ka mid ah taxanaha ay soo saari jirtay ee Moto oo casri ah ay soo bandhigayso. Shirkadda HMD Global oo laga leeyahay dalka Finlad ayaa iyadu imika leh calaamadda shirkaddii Nokia ayaa iyaduna shaacisay in ay carwada MWC 2017 ay ku soo bandhigi doonto talefannada gacata oo ay wararku sheegayaan in lagu magacaabi doono Nokia 8 oo leh adeegyada aadka u casriga ah.

Ugu dambayntiina shirkadda Samsung ayaa lagu wadaa in aanay carwadan ku soo bandhigi doonin talefankeeda casriga ah ee Galaxy S8, sidoo kale waxa ay carwadan keeni doontaa Tablet ka ay soo saarto ee Galaxy Tab oo ah nooca S3.