“Cali Khaliif Galaydh Waa Nin Umadda Kansal Ku Ah”

0
590

Hargeysa(Geeska)- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo katirsan Golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana kasoo jeeda deegaanka Taleex ee Gobolka Xaysimo ayaa Cali Khaliig Galaydh ku tilmaamay inuu gobalada bari ee dalka iyo horumarkooda ku noqday Kansal oo kale.

ssssssss

Xildhibaanka oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu nidar ku maray inay siyaasiyiinta gobalada Sool hormuud ka noqonayaan qorshe kasta oo lagaga hortagayo dhibaatada Cali Khaliif Galaydh “Waxaanu haynay dedaaladii ahaa in gobalada bari maamulka la deaadedjiyo, dadku codeeyaan, umadda la isu soo dhaweeyo,  horumar loo bilaabo oo ay hadda hordhicii horumarkaasi laga bilaabay sida Cisbitaalka weyn ee Lascanod, iskuulada iyo hadday noqonayso biyo gelinta, waxa carqalad ku noqota had iyo jeer nin diyaarad saaran oo aanu marar badan halkan ka siinay tallo iyo tusaale ku aadan in dalka dhibta laga daayo.” ayuu yidhi xildhibaanku oo intaas raaciyay “Ninkaas la yidhaahdo Cali Khaliif waa nin umadda ku ah kansal, dhibaatooyinkii uu dalka ka dhigaybaa yaala, tuu taleex ka dhigaybaa yaala, maalin kastana diyaarad ayuu u soo fuulayaa, xukuumadda iyo dadka Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa iyadoo midaysan inay arintaas wax ka qabato, waxaanan balan qaadaynaa inaanu ka noqono hormuud si ay gobaladaas bari ula jaanqaadaan gobalada kale.”

Wuxuu xildhibaanku sheegay inaanay dawladda Somaliland mar dambe u dulqaadan doonin in la waxyeeleeyo horumarkii uu qaranka Somaliland gaadhay.