Cali Khaliif Galaydh Oo Xalay Hargeysa Yimid

0
546

Hargeysa(Geeska)-Waxa xalay magaalada Hargeysa cawayskii soo gaadhay hoggaamiyaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Mr. Galaydh oo uu weheliyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, waxa uu shalay ka soo ambobaxay deegaanka Widhwidh, waxaana la filayaa inuu maanta si toos ah u dhaafo Hargeysa, isagoo u sii jeeda magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Cali Khaliif, ayaa wada hadalo la leh xukuumadda Somaliland, inkastoo aanay wada hadaladaas weli ka soo bixin natiijo miisaan lihi.