Cali-gurey Oo Madaxweyne Siilaanyo U Soo Jeediyay Inuu Dhimo Tirada Wasiirada

0
583

Hargeysa(Geeska)-Muj-Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa madaxeyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu dhimo golahisa wasiirada iyo haayadaha shaqada muuqata aan qaranka u qaban, waxaana uu xukuumada ku dhaliilay in aanay daacad ka ahayn wax ka qabashada sicir bararka.

Sida oo kale Cali Guray waxa uu ka hadlay gudida loo magacaabay qaadhaanka la ururinaayo xuska 18-ka May, waxaana uu arimahan kaga hadlay warasyi uu siiyay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi "kharashka dawlada lixdan wasiir oo mid waliba uu wax doonaayo intaas oo haayadood oo kharash ah oo been ah oo wax ay umadda u qabtaan aanay jirin, sow maaha inay dawladu is yaraso. Maanta madaxweynuhu musharax maaha 12 wasiir oo kaliya hadduu la hadho oo uu yidhaahdo intiina kale kala raaca xisbiyada oo mid walowba ka wasiir kaa dhigaaya hadhow raac, 12 kaas oo kaliya haddii uu inoo soo reebo sicir bararkaas waxbaa laga qaban karayaa, haddii aanay dhankooda talaabo qaadayn ee waxii iyaga taabanayana ay daysanayaan hadhowna ay eeda saarayaan ninkan ganacsadaha ah ee miskiinka ah, waxay ganacsatadu yidhaadeen waxa keenaya inay maciishadii qaali noqoto hoos u dhaca ku imanaaya shilinka Somaliland ee marka doolarkiisa lagu iibsanaayo waxa uu jooga halkii ugu jabnayd taariikhda.”

Mujaahid Cali oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Haddii laantaadii ay dhacdo, oo sii dhacdo oo sii dhacdo dhicidaas ayaa keenaysa ee baayac mushtarigu ma keenin, iyada ayaa laga rabaa siyaasad run ah, waxa been beenta ahina maalmo ayuu jirayaa waanu iska baaba'ayaa, hadday si run ah rabaan waa in talaabada koowaad iyo ta xigtaba ay xukuumadu qaadaa."

Muj.Cali Guray oo ka hadlaayay gudida qaadhan ururinta 18 May waxa uu yidhi"lacag la ururinaayo oo jeebabka lagu sito oo waxay doonayaan ay iibinayaan maaha, waxa la doonayaa in la soo saaro natiijooyin, waxaan leeyahay dadka waxaas masuul ka noqonayoow Allihiina ka baqa, waxa aynu kor u leenahayna waa uu maqlayaa waxaanu ina dheer yahay waxa uurkeena ku jirana waa uu ogyahay, hadii sheekadiinu tahay dabagoosigii ugu danbeeyay iyo in lacag laga macaasho dadkaas abaaraha ku tabaaloobay ee u baahan gargaarka, oo ay qaar ka doonayaan mashaariic,kuwana qandaraasyo oo ay qaar ka doonayaan lacag ay lunsadaan xoolo iyo fooqyo ay dhistaan taas Alle ayaa idinkala xisaabtami doona, laakiin ma suurto galayso in wadaado iyo siyaasiyiin ay curiyaan barnaamij iyaga oo aan ahayn farsamayaqaano waayo hadhow ma daafici karaan."