Caleemo-saarka Madaxweyne Farmaajo Ee Maanta Iyo Madaxweynaha Kenya Iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Oo Ka Baaqday Inay Ka Qayb Galaan

0
518

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Maanta, ayaa waxa magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya lagu caleemo saarayaa madaxweynaha Somaliya bishan loo doortay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Caleemo saarkiisa, ayaa waxa uu Mr. Farmaajo ku martiqaaday dawladaha gobalka ee ay ciidamadoodu ka mid yihiin AMISOM. Madaxda uu martiqaaday waxa ka mid ah madaxweynayaasha Kenya, Djibouti iyo raysalwasaaraha Itoobiya. Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayay xalay saxaafadda Muqdisho baahisay inaanu ka soo qayb geli doonin caleemo saarka madaxweyne Farmaajo, bedelkiisana waxa iman doona wefti ay hoggaaminayso wasiirka khaarajiga ee Kenya Ms. Aamina Maxamed.

Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayay isna warbaahinta Muqdisho sheegtay inuu ka baaqan doono caleemo saarka madaxweyne Farmaajo waxaana Itoobiya meteli doona wefti kale. Hase yeeshee madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa la xaqiijiyay inuu ka qayb geli doono caleemo saarka.

Ma jirto sabab rasmi ah oo madaxdan baaqatay ay sheegeen, laakiin dadka ayaa aaminsan inay bilow u tahay ismaandhaaf diblomaasiyadeed oo u bilaabmi doona Madaxweynaha Somaliya iyo dalalkan, oo inay ciidamadooda kala baxaan Somaliya ay ka mid tahay qodobkii koowaad ee uu ku galay ololaha doorashada uu ku guulaystay.

Si kastaba ha ahaate, maanta ayaa la eegayaa madaxda ka soo qayb gasha caleemo saarka Madaxweynaha Somaliya loo doortay iyo kuwa si rasmi ah uga baaqda.