Cadho Hinaase Keenay Oo Ka Dhalatay Ol’ole Dumar Oo Loogu Magac Daray, ‘Saygaaga Ayaa Saygayga Ah’

0
882

 

Qaahira (Geeska)- Waxaa weli degi la’ cadho hinaase keenay oo ka dhalatay ol’ole ay dhowaan dalka Masar ka bilaabeen dumar dalkaas u dhashay oo fasaxaya in raggu ay dumar badan guursadaan. Ol’olahan oo ay dumarka wadaa ku tilmaameen in ay kula dagaalamayaan guur la’aanta dumarka dalkaas ku soo badanaysa, ayaa ka duulaya ogolaanshiyaha sareecada islaamku ragga ugu fasaxday in ay dumar illaa afar ah guursan karaan, waxa aana hal-ku-dheg looga dhigay, ‘Saygayga ayaa adiga saygaaga ah’

Boqollaal dumar xaasleya ah ayaa iyaga oo ku doodaya in ay raggooda u ogolyihiin in ay rag badan guursadaan si loo yareeyo guur la’aanta dumarka oo dalka Masar ku sii badanaysa. Ol’olahan waxaa aad looga dareemay barkulannada bulshada ee internet ka sida Facebook iyo Twitter, laakiin waxaa uu dhaliyey dood iyo muran badan oo ay fikir ahaan iskaga hor yimaaddeen dad badan oo taageersan iyo kuwo aad uga cadhaysan oo dumar u badan. hal-ku-dhegyada baraha bulshada aad loogu arkayey maalmihii u dambeeyey ee taageersan fikirkan waxaa ka mid ah “Guurka badan oo ragga loo oglaadaa bulshada iyo dumarka ayaa uu dhowrsoonaantooda ilaalinayaa”

Dumarka iyagu fikirkan diiddan ee baraha bulshada iyo fagaarayaasha kale dooddooda keenaya waxaa ugu badan kuwo ku doodaya in ragga badankoodu aanay xilligan la joogo qaadi karin masuuliyadda labada qoys oo inta badan ay dhacdo in midkood dayacmo ama in aanay dhaqaale ahaan wada qaadi karin, waxaana baraha bulshada lagu arkayey hal-ku-dhegyo uu ka mid yahay, “Raggu horta guriga ay hadda ka masuulka yihiin ha hagaajiyaan, inta aanay guri kale raadin”

Si kastaba ha ahaato ee dumarka ol’olahan wada ayaa la sheegayaa in ay ku guulaysteen in ay guryaha tagaan oo dumarka xaasleyda ah la fadhiistaan si ay ugu qanciyaan fikirkan, waxa kale oo ay qabtaan madalo dumarku ku doodaan si loo qanciyo in ay ogolaadaan in raggooda afooyin badan guursadaan.