Cadaani Iyo Sida Uu U Arko Kulankii Madaxweynaha Iyo Siyaasiga Ismaaciil Buubaa

44
3297

Umadda Jamhuuriyada Somaliland ee Sharafta leh waan salaamayaa , Salaan ka bacdi dhamaantiin Khayr iyo Cafimaad ayaan idiin rajeynayaa iyo in uu helo ama ay hesho Rag iyo Dumar wax alla waxa aad niyaada Ku haysaan . Qodob  ay Umadda Jamhuuriyadda Somaliland ay falanqaynayeen , ayaan Rabaa in laba kelmadood ka idhaahdo .

1- Qodobka ah Ismaaciil Buuba muxuu ula Kulmay Madaxweynaaha Jamhuuriyadda Somaliland , ama Madaxweynu ha u yeedho ama Ismaacil ha dalbado , waxa ay aniga ila tahay in uu Madaxweynuhu qaaday tallaabo muhim ah , Rag iyo Dumarna ay tahay in lagu hambalyeeyo si weyn , dalkuna uu u Bahnaan yahay arrinkaan . Mida kale Walaalayaal Madaxweynaaha Jamhuuriyadda Somaliland saddex arrimood ayaa ugu muhimsan Xilka loo igmaadey . Waxayna kala yihiin

A-In uu adkeeyo Nabadgelyaada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Difaaca Qaranimo Gudo iyo Dibadba .

B- Qodobka labaadna waa Midaynta Umadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay noqdaan Reer ama Umaada Somaliland dad ah Walaalo oo isku araagti ah , waana ta qiimaaha leh ee qaabilaada Madaxweynuhu qaabilaay Ismaciil Buuba wax ka taraysaa oo ay horseed u tahay in nin kasta iyo gabadh kasta la soo dhoweeyo , xataa hadii ay yihiin sida Ismacil Buuba oo in badan qarankan ka soo horjeedey , ahaana nin Mujaahid ah oo dalkan u soo dagalaamay , Wakhti weyn iyo dadaal badana geliyey Xoreynta Umaada J. Somaliland , ahna mid aad muhim uga ah Madaxweynaaha Xilka hayaa iyo Umadda Qaranka J. Somaliland in la ahaado umaad mideysan . Markaas aynu isu Dul Qaadaano oo aynu ka fekerno waxa aynu dooneyno Umaad ahaan oo ah dal aqoonsi leh oo ka mid ah Jumciyaada Qurumaaha ka dhexaysa . Madaxweyne Musaana Hambalyo ayaan leeyahay oo in uu Jabhad u soo dagaalamay dalkan , waynu ogeyna , waxa caawaana cad in uu yahay Siyaasi weyn oo Rug cadaaya .

C- in uu horumar iyo nolool wanaagsan gaadhsiiyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland , taasuna waxa ay Ku dhacaysaa dhamaan inaaga oo isku Duubaan  in aynu ka waada qayb qaadaano oo dadaalka iyo wakhtiga aynu Ku bixinayno Tacliiq maalmo ah , aynu gelino sidii aynu isugu tashaan lahayn oo aynu dal jira oo horumar leh u noqon lahayn” .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here