Cabsida Laga Qabo Basaasidda Ruushka Oo Xildhibaanno Reer Yurub Ah Ku Kalliftay In Ay Ka Tagaan Talefannadooda Gacanta Ee Casriga Ah

0
719

Copenhagen (Geeska)- Xildhibaannada guddida siyaasadda arrimaha dibadda ee baarlamaanka dalka Denmark ayaa ku qasbanaaday in ay talefannadooda casriga ah iyo kombiyuutarradooda gacanta dalkooda kaga sii tagaan, ka hor intii aanay u ambabixin safar ay ku tagayeen dalka Ruushka, kadib markii sidaas la faray si ay uga nabadgalaan casbida amni ee reer galbeedku ka qabaan sirdoonka dhinaca tiknoolajiyadda ee dalka Ruushka.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Denmark oo Martin Lidegaard oo imika ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Social Liberal ka ayaa barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku qoray, “Nabadgelyo talefannadii casriga ahaayoow” isaga oo intaas ku sii daray, “Socodka aanu guddidyada siyaasadda arrimaha dibaddu ku tagnay Ruushka waxaa lanagula taliyey in aannaan sii qaadaan talefannada iyo qalabka kale ee casriga ah, si nabadgelyadayadu u sugnaato”

Nick Haekkerup oo isna ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Social democrats ayaa isna barta uu ku leeyahay bar-kulanka facebook waxa uu ku sheegay in uu ku qasbanaan doono in muddada uu joogo Ruushka uu ku noolaan doono nolol ah internet la’aan, iyo bar-kulannada bulshada oo aanu muddo toddobaad ah geli doonin. “Waxa aan safar ku raacay guddida arrimaha dibadda ee baarlamanka, waxa aana lana amray in sababo dhinaca ammaanka ah awgood aannu ka tagno wax kasta oo ay ka mid yihiin, iPhone ka, iPad ka iwm” ayaa uu Haekkerup ku yidhi qoraalkiisa facebook uu dhigay.

Unugga amniga Internet ka ee wasaaradda difaaca dalka Denmark ayaa bishii Labaad ee sannadkan sheegtay in kooxo budhcadda internet ka oo ay ku sheegeen shisheeye ay dabada ka waddo dawlad aanay magacaabin ay dhowr jeer weerar ku soo qaadday wasaaradaha dalka Denmark sannadihii 2015 iyo 2016.

Sirdoonka dalka Maraykanka ayaa iysaguna sannadkii dhowaa ee 2016 waxa uu sheegay in Ruushku uu u soo dhacay Kombiyuutarrada xisbiga dimuqraaddiga kalana baxay farriimo E-mail ahaa. Xilligaas oo uu socday ol’olihii doorashada madaxweynaha Maraykanka ayaa uu sirdoonku sheegay in sababta uu Ruushku u jabsaday kombiyuutarradani ahayd in ay ka shaqeeyaan sidii ay guushu u raaci lahayd murashaxii Jamhuuriga Donald Trump oo hadda ah madaxweynaha dalkaas. Laakiin sheegashadaas Ruushku marar kala duwan ayaa uu diiday.