Cabsida Codbaahiyaha: Waa Cudur Nafsi Ah

30
11982

Hargeysa (Geeska) – Waraysi shaqo, gorgortan, gole ka hadal, khudbad fagaare laga jeedinayey iyo hadal kasta oo aad madal ka jeedisaa waxa ay leedahay cabsi iyo argagax gaar ah oo heerarkiisa iyo la qabsigiisaba ay dadku ku kala duwan yihiin. Waa cabsida codbaahiyaha oo ka mid ah cudurrada nafsadda ee waqtiga dunida aadka uga jira, dad badanna ku haya cabsi ka badan ta ay ka qabaan geerida. Waxa uu marar badan caqabad ku noqdaa horumar uu qofku ka samayn lahaa nolosha.

Aadamaha waxaa ku abuuran dareen ah is difaacid iyo in uu naftiisa iyo maalkiisa iyo magaciisaba ka dhowro cidda dhaawac jidheed ama mid nafsadeed gaadhsiinaysa. Dareenkaas difaac ayaa marmarka qaarkood sabab u noqda in qofku isaga oo ka baqanaya in dadku ay saluugaan hadalkiisa ama ceeb ku arkaan uu ku dhici waayo in uu si kalsooni leh u khudbadeedyo. Waxa se dhibaato ah in marar badan habkan uu dareenka difaacu ku abuuray, laftigiisu uu u horseedo ceeb.

Kip Williams oo ah bare-sare oo cilminafsiga ka dhiga jaamacadda Purdue ee dalka Maraykanka ayaa mar uu faahfaahinayey sababta cabsida codbaahiyaha waxa uu sheegay in hab nololeedkii biloga aadamaha iyo duruufihii ku xeernaa ee cabsida badnaa ay ku abuureen dareen ah in maskaxdiisu ay ka fikirto bad-baadada iyo sii socoshada nolosha. Kana fikiro xeeladaha uu kaga hortegi karo ama iskaga difaaci karo wax kasta oo noloshiisa khatar ku noqon kara. Cabsidaas oo yeelata dareen nafsiya ayaa uu jiilba-jiilka ka dambeeya u sii gudbiyaa. Laakiin waxaa mararka qaarkood dhaca in maskaxdu si qalad ah u qiimayso khatarta kaga iman karta ficillada qaarkood, waxaa ka mid ah in fagaare ka hadalka ay ka baqato iyada oo u malaynaysa in uu u soo jiidi kara fadeexad, kaddib marka ay dadku ku qanci waayaan hadalkiisa.

Waxa uu qofku gaadhayaa heer uu fagaare ka hadalkii u arko khatar iyo cabsi weyn oo magacdil iyo sharaf xumo ku keeni kara. Waxa ay khubaradu sheegeen in cabsidaas nafsadda ahi ay kor u qaaddo heerka hormoonnada uu soo saaro qanjidh kelyoodku oo sababa in ay maskaxdu wareegga dhiigga ku sii deyso Adrenaline, kaddibna uu qofku bilaabo dhidid aad u badan oo aanu xakamayn karayn. Waxa kale oo ay sababtaa in garaaca wadnuhu uu kordho, ugu dambayntana ay ku dhawaaqista ereyadu ku adkaadaan qofka ama si la fahmi karayo uu ugu dhawaaqi kari waayo.

Hadal-fagaareedku waa barasho iyo ku tababarasho, waxa se fure u ah in qofku marka hore naftiisa ku qanciyo in ay ka soo baxdo dabeecadda abuurka ah ee aynu awoowyadii bilowgii aadamaha ka hidde raacnay oo ah in aynu mar kasta u taagannahay in cadow innagu xeeran yahay oo ay tahay in aynu nolosheenna badbaadinno, taas oo iyaga ku saxnayd marka la eego duruufaha ay ku jireen, laakiin innaga ina geyeysiinaysa in iska difaacno cadow aan jirin, sharafteenana u ilaalinno si aan sax ahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here